Uploaded by drhadi95

Hamzafx Book Mentorship

advertisement
HamzaFX
Afeefta Khatarta
HamzaaFx maha latalin dhankaga maalgashiga ah, sido
kalena kama diwaangashana haayad maaliyadeed.
Dhamaan xogta halkan kuguso bandhigaya waakuwo aan
xog-uruurin ku sameeyay shaqsi ahaan kana keenay dhowr
meelood oo kale duwan.
Ka ganacsiga suuqa forex waa mid khatarteeda aad u
sareyso waxan kugu baraarujinaya in aanad suuqa toos u
galin adiga oo aan aqoon buuxda u lahayn.
Buugan waxan u qoraya si walaalkey/walaashey uu ugu
noqdo hib-fur fiican oo ay kaga sii anba-qaadan safarkooda
ka ganacsiga forex. Khatar walba oo kaaga timaada
masuuliyadeeda ma lihin adiga ayaana ka masuul ah.
HamzaFX
Soo dhaweyn
Kugu so dhawoow ka qayb noqoshada barashada nidaamka
ICT CONCEPT kaaso aynu ku lafo-guri doono buugan.
Buugan waxaad ku baran doonta sida nidaamka u
shaqeeyo, intaaso kaliya maaha waxad faham dheer ka
qaadan doonta waxa ka dambeeya inuu sida u shaqeeyo,
waxa dhaqaajiya suuqa iyo waxyaabo kale oo fara badan.
Waxan ku rajeenaya guul-joogta ah.
HamzaFX
Contents
1: The Fundamental View ...................................................... 6
1.1Market Structure Concept................................................. 6
1.2 Asaaska dhaqaaqa suuqa .................................................. 6
1.3 Market Structure Break .................................................... 9
1.4 Phases of the market ..................................................... 10
1.5 Buyer’s and seller’s concept ........................................... 13
2: NIDAAMKA ICT CONCEPT ....................................... 18
2.1 Advanced Market Structure ........................................ 19
2.2Break of structure ........................................................... 20
2.3Falaqeenta qaabka dhismeedka suuqa ............................. 24
2.4Market Structure shift (jiho badalasho) ........................... 29
2.5The Three-Candle Formation (TCF)............................... 32
2.6 Intermediate-Term Highs & Lows (ITH/ITL)............... 34
3. Advanced Liquidity ............................................................. 35
3.1 Institutional Traders VS. Retail Trades..................... 35
3.2 Dabinka Liquidity-ga ..................................................... 37
3.3 Noocyada Liquidity-ga ................................................... 43
Retail trader liquidity pattern ........................................... 43
Specific liquidity ........................................................... 48
3.3 liquidity runs and Structure ............................................ 54
3.5 Institutional Reference Points ........................................ 58
3.6 High and low resistence liquidity run ............................. 64
HamzaFX
3.7 External and internal range liquidity............................... 67
3.8 ICT Dealing Range ........................................................ 69
3.9 Premium and discount ................................................... 70
4 Institutional Order Flow (IOF) ............................................ 72
5 IPDA (Inter Price Bank Delivery Algorithm) Ranges ........... 73
6 High Probability PD (Premium and Discount) Arrays: ......... 76
7 Time & Price ........................................................................ 79
8 QUARTERLY THEORY .................................................... 83
9 Entry Model ......................................................................... 88
10 DAILY BAIS ..................................................................... 92
11 WEEKLY PROFILE ....................................................... 97
11 deep View.......................................................................... 99
Market maker model (MMXM) ........................................... 99
PO3 AMD Model ............................................................. 103
ICT SILVER Bullet Time-Based Approach....................... 108
12 Final: Master your mindset ............................................... 111
HamzaFX
Erey bixinta nidaamka
MSS – market structure shift
BOS – break of structure
STH/L – short term high/low
ITH/L – intermediate term high /Low
LTH/L – long term high/low
BISI – buyside imbalance, sellside inefficiency
SIBI – sellside imbalance, buyside inefficiency
BB – breaker block
FVG – fair value gap
VI – volume imbalance
IOF- Institutional order flow
POI- Point of interest
HTF/LTF- higher/lower time frame
EQH/L- equal high/low
ERL- external range liquidity
IRl- internal range liquidity
BSL- buyside liquidity
SSL- sellside liquidity
PDH/L- previus daily high/low
PWH/L- previus weekly high/low
HOD- high of the day
LOD- low of the day
ASL- Asian session liquidity
LSL- London session liquidity
NSL- New York session liquidity
HamzaFX
1: The Fundamental View
1.1Market Structure Concept
Marka suuqa la joogo shayga ugu muhiimsan ee suuqa kala haga
waa Market Structure kan la’aanti suuqu wuxu noqon laha mid
kolba meeshu doono isaga dhaqaaqa oo aan lahayn jaantuus saxa
oo lagu jaan-gooyo.
Waxaynu isla eegi doona asaaska macluumadka ku saabsan
Market structure.
1.2 Asaaska dhaqaaqa suuqa
Suuqa forex wuxu leeyahay dabeecad ah in aanu suuqu
mar walba uu ku socon hal jiho balse uu yahay mid
markasta badalanaya jihada uu kusocdey.
JIhada suuqa waa Labo mid uun
 Uptrend- Suuq kor u socda
 Downtrend- Suuq hoos u socda
Waxa jirta suuq labda xaladood u dhaxeeya oo dhinac
dhinac u socda oo ah
 Sideways/Range
HamzaFX
 Uptrend- suuqa kor u socda
Suuqa wuxu mara xaalado kale duwan marka uu kur u
socda xaalada u sameenayana waa laba midkood:
 Higher High (HH)
 Higher Low (HL)
Suuqu wuxu sameenaya HH ka dib wuxu sameenaya HL. Si
u sameeyo NEW HH waa inu ka saro maraa HH-gii hore
HamzaFX
 Down trend – suuq hoos u socda
Suuqa wuxu mara xaalado kale duwan marka uu hoos u
socda xaalada u sameenayana waa laba midkood:
 Lower Low (LL)
 Lower High(LH)
Suuu wuxu sameenaya LL ka dib wuxu sameenaya LH. Si u
sameeyo NEW LL waa inu ka hoos maraa LL-gii hore
HamzaFX
1.3 Market Structure Break
Suuqu marka uu ka sare/hoos maraya lug hore u jirtey aya
la dhaha market Structure Break ama MSB
Waxa jirto xaalado aanu suuqu uu sameen MSB caadiya
uuna sameeyay wax lo yaqaan been guur ama dhaqaaq been
ah
Waa cadeynta suuqu uu cadeenaya inuu jiho badashay ama
xaalad cusub uu suuqu galay.
Dhowr qaab ayuu suuqu wax ku jabsada
 SJihadii saxda ahaa inuu suuqu usii socdo
 teJiho cusub suuqu inuu u dhaqaaqo
HamzaFX
1.4 Phases of the market
Waxa jira labo weji oo suuqa leeyahay Waxayna kala yihiin:

Impulsive
Waa dhaqaaqa suuqu u dhaqaaqo jihada saxda ah
waxaana uu leeyahay astaamo u gaar ah waxan ka
mid ah
 Shumacyo waaweyn
 intabadan wuxu u badan yahay dhaqaaqa
isku midab ah
 Jihada kaso horjeeda wuu ka xoog badan
yahay
HamzaFX

pullback/Correction
Suuqu hal jiho uma socdo mar walba wuxu u
baahan yahay nasasho ama ugu yaraan inuu dib isku
buuxiyo maadaama xoog suuqan usoo dhaqaaqayo
waxana ka mid ah.
 Shumac yar=yar
 Dhaqaaq aan xoog badnayn
HamzaFX
EURUSD
HamzaFX
1.5 Buyer’s and seller’s concept
Suuqa marka aad dooneysid inaad gasho labo jiho
midkood uun waa iibsasho/buy/long.
 Long Position
Long position waa marka aad iibsato hantida rajada
qiimihiisu kor u kici doono, si aad mar dambe u iibiso si
aad u faa'iido. Tan waxa kale oo lagu tilmaamaa long
position ama buy.
 Short position
HamzaFX
Short position waa istaraatiijiyad loo isticmaalo in laga
faa'iidaysto suuqyada hoos u dhacaya qiimaha.
Markaad sell sameyso, waxaad iska iibineysaa
hanti adigoo rajaynaya in qiimihiisu hoos u dhaco, oo
aad dib u iibsan karto faa'iido. Waxa kale oo loo
yaqaan iib-gaaban/short position ama sell.
Markaad furto booska 'iibso'(buy order), waxaad asal ahaan
ka iibsanaysaa hanti suuqa.
HamzaFX
Sido kale markaad furto booska “iska iibi” (sell order).
iibiyaasha(buyers) waxa loo yaqaan dibida(bulls) - waxay
aaminsan yihiin in qiimaha hantidu ay u badan tahay inuu
kordho.
ibsayaasha(sell) waxa loo yaqaan orso(bears) - guud ahaan
waxay u maleynayaan in qiimihiisu uu hoos u dhacay
HamzaFX
How buyers and sellers affect the market
Suuqa iibsadaha(Buyer) waa marka iibsadayaashu(Buyers)
ay xoog bataan iibiyeyaasha(Seller). Waxay kala xaajoon
karaan qiimo iibsi wanaagsan oo hanti ah sababtoo ah
sahayda(supply) aad aya loga badan yahay
baahida(demand).
Suuqa iibiyuhu waa marka sahayda(Supply) hantidu ay
xadidan tahay sido kalena buuxdhaafiso dalabka
iibsadayaasha. Xaaladdan oo kale, iibiyuhu(seller) wuxuu
leeyahay awood ka badan kan buyer-ka ah.
Iibsadayaasha iyo iibiyayaashu waxay saameeyaan sahayda
iyo baahida (Supply and demand) sidaas kalena qiimaha
hantida. Waqti kasta, koox ka mid ah waxay u egtahay inay
ka miisaan culus tahay kan kale, taasina waa sababta ugu
muhiimsan ee qiimaha suuqa uu isku beddelo. Marka
iibsadayaashu(Buyers) ay ka miisaan bataan
iibiyeyaasha(sellers), baahida suuqa ayaa kor u kacda.
Natiijo ahaan, qiimaha hantida ayaa kor u kacaya.
Sido kale, sahaydu(supply) way korodhaa oo
baahida(demand) hantidu waxay bilaabataa inay hoos u
dhacdo ama qiimuhuna hoos u dhaco. Habka
sahayda(supply) iyo dalabku(demand) u saameeyaan
suuqyada waxay abuuraan volatility
HamzaFX
Limit vs. Stop Order Vs execution:
What’s the Difference?
Limit order
Marka aad buy ama sell gareenayso adoo isticmalaya limit
order waxay ku ogolaanaysa in aad ka gasho suuqa qiimaha
xadidan taaso adigu aad sheegtay.
Stop order
Waa isku mid limit order balse waxay kaga duwantahay waa
qiimo xadidan oo ad ka galaysid suuq jihadiisa usii socda
Market execution
Waa galitaanka suuqa si toosa buy ama sell adigo oo aan
sheegin qiima qeexan ama gaar ah
HamzaFX
2: NIDAAMKA ICT
CONCEPT
Waayo ICT Marka Forex lo eego
Background OF Inner Circle Trading(ICT)
Inner Circle Trader(ICT) waxa magaciisa la dhaha Michael
Huddlestone wana ganacsade guuleystay mudo 20 sano ku
jirey suuqana forex wa asaasaha Inner Circle Trader LLC.
wuxu aasaasay system-ka ICT CONCEPT kaaso ku dhisan
aragtida suuqa ee kala ah market structure, liquidity, and
supply and demand. Waxaan ay furre u yihiin fahamka
suuqa iyo gaadhitaanka go'aano wanaagsan.
Michael wuxu kale uu sameeyay qorshe gudo-dheer kaso uu
ku dhisayo maskax ahaan qofka ganacsada ah waxaanu
caawiyay dad badan ku waso maskax ahaan suuqan ugu
guul-dareesanayey, wuxu soo bandhigay faa’iidada inad
maskax ahaan dareemadada ka hor tagtid ay kaga
caawinaysid guusha suuqan forex.
Waxyaabaha uu asaasay waxa ka mid ah isticmaalka
qalabayda lagu saadaalinayo suuqan forex technical-ahaan
sida, Market profile iyo market volume.
HamzaFX
2.1 Advanced Market Structure
Nidaam ganacsiyeedka ICT CONCEPT waxaa ugu
muhiimsan laba qodob oo saldhig u ah waa Structure iyo
liquidity.
qaab dhismeedka suuqa fahankiisu waxay ka caaawineysa
inaad siyaro fudud aad u sadaalin karaysid halka uu jiho
ahaan u tagi doono ama u dhaqaaqi doono.
Suuqa waxa u asaaas ah inuu markasta labo qaab u
dhaqaaqo oo kala aha Impulsive move iyo Correction
Move, labada dhaqaaq inaad si fiican u fahanto waa ku
qasban tahay.
Tusaale
Fiiro-gaar
Waxad ogaata suua impulsive move ayuunba impulsive
move kale jabiya correction/pullback ma jabiyo
correction/pullback kale
HamzaFX
2.2Break of structure
Marka suuqa qaab dhismeedkisa uu sameenaya jabinta qaab
dhismeed hore u jiray labada qaab uunbay noqota
 Suuqu inuu jabiyo oo uu usii socdo jihadi marki
horeba uu u socdey suuqu (Continuation break)
 Suuqu inuu badasho jihada oo u kala wareego jiho
cusub (Reversel break)
BOS- walba oo suuqa ka dhaca maaha mid sax ah waxa jira
rules ay tahay inuu qasab dabaqa hadi kale wuxu noqonaya
mid ku guul-dareestay jabintaas (Failed to break/sweep of
lliquidity)
HamzaFX
Shuruudaha BOS-ka
 Shuruda kowaad uguna muhiimsan waa in shumaca
uu ku hoos/kor xidhma lugta la jabinayo dhamaanti
Suaal?
Sawirkani hoose eeg ma jabin sax ahba mise waa mid
qaldan?
HamzaFX
Hadi aad ku jawaabtay waa jabin saxsan waa saxdey suaasha
waayo shumac oo dhameestiran ayaa la raba inuu kuso
hoos xidhmo maaha falaadha shamac (wick).
Falaadha shumac (wick) hadii ay ka hoos/sare marto oo
aanu shumaca oo dhan ku xidhmin maaha jabin sax ee waa
sweep of liquidity/fail to break.
Waa inaad ogaata jabinta ay falaadha shumaca jabineysa
maaha jabin sax ee waa been guur ama marahabaabin.
HamzaFX
Fiiro-gaar
Muhiim maaha colourka iyo bad-ka ma xadiga shumacaasi
leegyahay waaa inu isago dhameestiran ku xidhma ama
falaadha shumaca waa in shumac kale kasii sare/hoos
maraa
HamzaFX
2.3Falaqeenta qaabka dhismeedka suuqa
Si aad suuqa sifiican ula jaan-qadida qaab dhismeedkisa waa
inaad ogaata sida u dhisanyahay suuqu.
Suuuqu wuxu leeyahay waqtiyo kala duwan kuwaaso aad ku
falanqeenaysid qaab dhismeedkisa waqtiyada kala duwan
dhamaantood xidhiidh ayay leeyihin waqtiba waqtiga uu ka
sareeyo ayuu hoos taga, tusaale 4H wuxu hoos tagay Dailyga ama 4H waxa hoos tagaya 1H.
4H qaab dhismeedkisa waxa sifiican kugu sharaxaya
dhamaan waqtiyada ka hooseeya, halkaas waxa inooga soo
baxaya in qaab dhismeedka suuqa inoo yeelanayo qaab
dhismeed qaaab dhismeed kale hoos tagaya
Tusaale
HamzaFX
Hada waxan u maleenaya inaad fahantey micnaha qaab
dhismeed qaab dhismeed kale hoos tagaya, waa inaad
ogaata markasta qaab dhismeedka waqtiga sare ama
waqtigaad jogta ka ka sareeya ayaa gun-dhig u aha ama fure
u ah.
Qaab dhismeeda hoose isbadelkiisa ayaa badan waayo
xaalado kale duwan ayaa is badelaya waxa laga yaaba qaab
dhismeed dhan oo aad so raacdey oo downtrend ah ayaa
waqtiga sare ka ah hal lug oo impulsive isla qaab
dhismeedkaas down trend-ka ah ayaa laga yaaba inad
waqtiga hoose si raacda uptrend ahaan laakin waqtiga sare
ay ka tahay hal lug oo correction/pullback ah.
Tusaale
Meesha caalamada/rectangle buluug ah marka 4H joogtid
waa hal lug oo correction/pullback ah bal aynu isla eegno
marka 30M la jogo siday noqoto
HamzaFX
Sifiican u eeg waxa uu sameesatay qaab dhismeed dhan oo
maalmo qaatay kaaso kaso horjeeda jihada guud.
Waa muhiim inaad mar kasta aanad ku qal-qalin qaab
dhismeedka hoose aragtidaada fogee qaab dhsimeedka
waqtiga sare ha noqdo kan ku haga.
EURUSD DAILY
Quruxda qab dhismeedka waa suuq hoos u socda hadi aad
eegtid 4H,1H dhamaantood waxay ku tusayaan qisooyin
kale oo ah suuq down trend ah hadana uptrend noqonaya.
HamzaFX
Dhamaantood wad ka faaideysan karaysa suuqa marka
daily-ga impulsive ka yahay waa downtrend marka uu dailyga correction/pullback ku jirana waa uptrend-waqti gaaban
ah, muhiimada ugu weyna waa inaad haysato sawirka guud
ee qaab dhismeedka suuqa iyo jihada uu ku socdo.
Hadii uu HTF uptrend xoogan yahay LTF-kana impulsivekisa waa uptrend correction/pullback-giisuna waa
downtrend markaad suuqa sidan u arkayso ma jirayso wax
isaga ka qaldamaya waayo sifiican ayaad ukala sarayasa
jihada suuqa iyo xaalada ama wajiga markaa suuqu ku
socda.
Hadaba side ku garanaysa marka suuqa jiha u socda uu
badalanayo xaalda markaa uu ku jiro oo hadi impulsive ku
jirey u ogaan kartaa inu correction galayo?
HamzaFX
Suuqa wuxuu jabsadey lugtii hore wuxuuna sameestay lug
cusub oo noqonaysa NEW HH waxaaso dhan waxa
sameeyay dhaqaaq impulsive ah.
Marka sawirka qaybta ugu muhiimsan kuso dhaweeno
Lugtii ugu dambeesay ee suuqi korka u socdey waa la
jabsadey halkaasna waxa inooga bilaabmaya weji
correction/pullback.
HamzaFX
2.4Market Structure shift (jiho badalasho)
MSS ama jiha badalashada suuqu wuxu dhaca marka uu
suuqu xoog ugu soo dhaqaaq lug hore oo jirtey uu
doonayana inuu ka sare/hoos maro isago xawaare ku
socda.
Jiha badalashadu waxay dhacda marka uu suuqu soo qaado
liquidity (weynu sharixi doona) taaso siinaysa awood uu
suuqa xawaare sare kaga soo dhaqaaqo marka uu liquidity
so qaado, kasoo qaad suuqba wuxu ku socday HH iyo HL
marka uu suuqu HH cusub sameeyo waxay noqonaysa inu
liquidity soo qadey wuxuuna meesha ka saari dona HL-gii
ugu dambeeyay halkana suqu wuxu ku badashey jihadi hore
wuxuuna u wareegay jiho cusub.
HamzaFX
Calaamadaha lagu garto suuq jihada
badashey(MSS)
 Qiimaha suuqu inu xoog usoo dhaqaaqo, suuqa wa
inad ka raadiso intaanu jabsan lug hore inu sameeyo
dhaqaaq xoogan
 Dispalcement (Bara-bax) kalmadan waxa aad ugu
maqli doona marka la joogo nidaamka ICT wana
sida hore uso sheegnay suuqan dad badan ba
saameen ku leh suuqa waaweynka ka xeeya markay
ay soo galaan qaab lagu tixraaco ayaa la dhaha
displacement.
 Liquidity sweeps: lugtan saameysay MSS-ka wa
inay ugu horeyn soo qaadey liquidity (weynu sharixi
doona).
HamzaFX
Tusaale MSS Eurusd
Saddexda calamadood ugu muhiimsan, ilaa saddexda ka
hesho MSS-kaasi maaha mid fiican ama saxsan.
HamzaFX
2.5The Three-Candle Formation (TCF)
Marka aynu haysayno saddex shumuc oo ka dhexe yahay
kan ugu dheer waxa lo yaqaan short term high (STH)
Marka aynu haysano saddex shumac oo ka dhexe yahay kan
ugu hooseeya waa short term low (STL)
Intani wa inta suuqa ugu fudud hadana ugu qalad fahanka
badan waayo waxad ogaanaysa high-ga aad dooneysid iyo
low-ga aad dooneysid inad calaamad saartid.
HamzaFX
Dhaman meelaha aan calaamdiyay waa STH
Dhamaan meelaha aan calaamadiyay waa STL
HamzaFX
2.6 Intermediate-Term Highs & Lows (ITH/ITL)
Ma ogtahay in high iyo low walba aanu isku mid ahayn
balse qaarkood ay muhiim yihiin.
Intermediate term high (ITH) waa marka labada dhinac ay
ka xigaan laba STH.
Intermediate term low (ITL) waa marka labada dhinac ay
ka xigaan laba STL.
Waa maxay farqiga u dhaxeeya ITH/L iyo STH/L?
HamzaFX
3. Advanced Liquidity
Liquidity waa goobo xiiso gaar ah leh kuwaaso ay dul ama
hoos yalaan. Lacagta halkay ka imaanaysa? suuqan waxa
soo gala dadyow kala duwan sida central bank, liquidity
profiders, hedge funds, brokers iyo retail traders dhamaan
intan suuqa forex saameen ayey leeyihiin waxana loo kala
xoog badan yahay sida lokala horeeyo tusaale
Central bank->Investment firms->liquidity providers>hedge funds->brokers->
3.1 Institutional Traders VS. Retail Trades
Labadoduba waxay ka siman yihiin in ay suuqa wada galaan
buy ama sell labada mid sameeyan laakin isku awood ay
suuqa ku galan malaha waxaana awood badan Institutional
traders.
 Institutional traders waxay maamulaan akoono
waaweyn ama kooxo akoono ah kuwaaso lacag xadi
badan ku jirto
 Retail traders-ku waxay u shaqeeyan akoono ay
leeyihin shaqsi ahan kuwaaso lacag yaryar ku jiraan.
 Institututional traders waxay suuqa laso galaan
lacago aad u badan kuwaaso saamen weyn ku
yeesha dhaqaaqyo waaweyna suuqa ka abuura.
Qaabka ay u trade gareeyan Institutional
 Direct market access-taso u ogolaanaysa markia
in si toosa ula falgalaan waaweynka suuqa sida
liquidity provider sido kale u fuliyeen dalabka ay
sameenayaan iyado wax dilaala dhex marayn
HamzaFX
taasi waxay awood u siinaysa inay hore suuqa u
galaan waliba qiimo fiican ka galaan.
 ECN iyo STP-> tani waxay awood u siinaysa
inay si toosa ula macaamilaan banka dhexe
 HTF
 Order types- sida market orders, limit, stop
orders iyo iceberg orders
Qaabka ay u trade gareyan institutional
 Markasta oo ay trade furan waxa jiraya jaran
jaro dilaalin ah kuwaaso ay si marayaan
dalabyada ay furan.
 Orders types- limit, stops, narket orders.
HamzaFX
3.2 Dabinka Liquidity-ga
Markasta oo suuqa buy ama sell aado waxa wada waa
orders-ka ay furan dhamaan dadka ka qayb qaata suqaan.
Markasta oo meel order- laga fura waxay noqota goob
xasaasi ah oo lacagi ay dul ama hoos taalo.
Halka sare waxa laga soo galay sell order waxaana dul yaala
lacag madama mar hore order laga furey. Waa dabin
orderka sare waa in laso qaaada si suuqan u aado jiho sell
ah
HamzaFX
Waxa jirta sir weyaan oo ku gadaamn aragtida liquidity-ga
 Suuqa si uu sell u aado waaa in meesha la saara
buyers-ka. Sababta markasta oo suuqa buyers iyo
sellers isku awooda ay jiraan suuqu uu dheeli tiran
yahay, hadaba awooda buyers- si looga saaro waa in
marin habaabin lagu sameeya.
HamzaFX
Sawirkan marka buyerska arkaan waxa modayaan in
la jabsadey structure soo nasashada inay ka galaan
ayey rabaan
Buyerski trade ayey galaan sido kale sellers-ki stop
losskoda uu dul yalay structure-ka gadashisa yagana
meesha waa laga saarey
HamzaFX
Natiijada sidan ayey noqoto labadi koxood ee
sellers-ka ku trade gareeya suuqa double top-ka
meesha waa laga saarey sido kale buyers-ka ku trade
support& resistence waxa bilaabmatay jiho sell ah.
Liquidity-gu waa shidaalka suuqa dhaqaajiya
 Hadi buy suuqa lala doonayo waa in awood sellerska meesha laga saara.
Fikirka guud ee liquidity-ga qaabkaas ayuu u shaqeeya.
Liquidity waa sawirtaanka lagu sawirayo suuqa laba xariiq
oo muhiim ah oo kala
 Buyside liquidity
Buy side liquidity oo loso gaabiyay BSL waa xariiq
lo isticmaalo markasta oo meesha buy orders laga
saarayo suuquna wuu aadi doono sell.
HamzaFX
HamzaFX
 Sell side liquidity
Waa xariiq loo isticmaalo marka la raba in meesha
laga saaro sell orderska suuqu waa aadi doono
jihada buy
Labada xariiq waakuwa ugu muhiimsan liquidity-ga
qaybaha liquidity-ga dhaman labadan uun ayay so hoos
galayaan.
HamzaFX
3.3 Noocyada Liquidity-ga
Waxa jira dhowr nooc oo kala duwan oo liquidity-ah waxaana ka
mid ah
Retail trader liquidity pattern
Waa shax ay abuuraan dadka retail traders-ka ah kuwaas ay tahay
habab kale duwan oo ay suuqa u galaan kuwaaso ugu dambeen
noqon doona liquidity

Equal High/Low
Waa marka laba lugood(H/L) oo siman la rabo in
meesha laga saaro oo liquidity-ahaan lo qaado
HamzaFX
Tusaale chart

Aragtida ka dambeysa ayaa ah in laga saaro meesha
dhamaan dadka isticmaala doubles/triples iyo support
and resistence
Old high/L
Waakan ugu badan ee suuqa inta ugu badan ka dhaca
waa in meesha la saaro lug hore oo kaligeed taagan ka
dib jihada saxda ah la aado.
HamzaFX
Aragtidana waxa laga leeeyay in meesha lagaga saaro
dhaman dadka isticmaala break of structure/double
top/support&resistence iyo la mid ah.
HamzaFX

Trend line liquidity
Suuqa markasta wuxu leeyahay external iyo internal
structure dhamaan internal structure wuxu noqonaya
liquidity ilaa laga gaadhaya oo laso qaadayo external
structure.
HamzaFX
Si equal high-ga meesha looga saaro wa in dhamaan waa
in dhaman internal structure meesha la saro.
HamzaFX
Specific liquidity
Liquidity waa micno badan yahay laakin marka nooc
liquidity-ga lagu qaaday aad ogtahay shaqada uu qabanayey
iyo waxa dhici doona way ka xiiso badnaan doonta.
Micnaha liquditiy waa jiho badalasho waa dhaqaaq been
guur ah si loo aado jihada saxda ah, liquidity old h/l walba
maaha goobta jihada badalashada waxa jiro goobo gaar ah
kuwaaso reversel-ka ugu badan uu suuqan ka dhaco waxana
ka mid ah

Previus monthly Highy/Low (PMH/L)
Waa bishii hore meshi ugu sareysay ee ay gaadhay
iyo meshi ugu hooseysay labada meelood waxa taala
lacago badan markasta oo la qaadana suuqu jihada
ayu badasha.
HamzaFX
Suuqu wuxu qaada PML jihada uu badashey
HamzaFX

Previus Weekly H/L
Waa meshi ugu sareesay ee qimaha suuqu uu
gaadhay todobaadki hore. Labada meelod waa goob
aad u xiiso badan isha ku haya.
Qiimaha suuqa wuxu qaadey PWH
HamzaFX

Previus Daily Candle
Mid ka mid liquidity-yada kuwa ugu muhiimsan waa
maalinti ka horeysay High-geeda iyo low-geeda hadi
H-lagu qaado suuqas waa maalin sell ah hadi L-lagu
qadana suuqas waa maalin buy ah
HamzaFX
Qiimaha suuqa wuxu qaadey PDH isla markiiba
jihada suuqa ayuu badashey.
Candle-ka maalinle waa mid ku muhiim ah inaad ka
war hayso mar kasta high iyo low-giisa.
HamzaFX

Session liquidity
Suuqa forex waxa jira xili qiimaha suuqu uu
leeyahay dhaqaaqyo fiican xiligaas oo inta ugu
badan dadku trade gareeyan. Saddex xili aya jira
Asian session, London session, New York session.
Saddexdan mid walba wuxu leeyahay high iyo low u
gaara, dhaman high iyo low-ba ay leyihin waa
barkad lacagi kor/hoos fadhido waana meel la
liquid-gareen doono.
Asian session- 4:00 AM ila 9:00/10:00 Am
London 10:00/11:00 Am ila 7:00 Pm
New York 4:00 pm ila 11:00pm
Mid walba high iyo low-giisa waa liquidity hadi la
qaadana waa reversel.
HamzaFX
3.3 liquidity runs and Structure
Liquidity waxaa loola jeedaa Darajada ama heerarka Suuqa [
Assets (Hantida) Ama Security(Amaanka)] in si dhaqsi ah looga
iibsan karo ama looga iibin karo suuqa iyada oo aan saameyn ku
yeelan qiimaha hantida.
Bullish liquidity structure
Bearish liquidity structure
Tusaale
HamzaFX
Suuqu wuxu qada goob xiiso badan leh (barkad lacag)
Liquidity micnahedu waa reversel. midaas markasta maskaxdaada
ku hay. Suuqa wuxu sameeyay laba dhaqaaq oo muhiim markaa u
liquidity uu qaadayo iyo marka reversel u sameenayo.
 Manipulation move waa dhaqaaqa burburiya lacagta
meel taalay ama waa dhaqaaqa abuura liquidity-ga
 Displacement move waa dhaqaaqa suuqu ee abuura
reversel-ka.
Qodobkan aan si balaadhiyo
HamzaFX
Manipulation Move
Dhaqaaqan waa dhaqaaq been guur ah waana ka sababa in
liquidity la qaado ama waa dhaqaaqa liquidity-ga qaada.
Dhaqaaqan waxa u calaamad ah




Dhaqaaq xoogan
Wuxu ku guul-dareesta inu structure jabiyo
Wick dheer
Isla markiba waxa bilaabma dhaqaaq kale oo kaso
horjeeda oo ka awood badan.
HamzaFX
Displacement move
Dhaqaaqan waa mid ino muhiima inaynu fahano wa dhaqaaq leh
astaamo u gaar waa dhaqaaqa sababa inuu suuqu jihadi saxda usii
socdo.
Dhaqaaqan waa kan saxda ee waaweynka suuqu ay soo galaan
wana dhaqaaq aynu u isticmaali karno tixraac ahaan.
Dhaqaaqan waa mid xoog badan oo wax kasta oo kaso horjeeda
liquidity ahaan usii qadanaya haday noqoto structure iyo
liquidity-ba
Dhaqaaqan faaidada ugu weyn ee inoo leyahay maaha in
bilowgisa aynu ka galno balse waa in isaga u adeegsano tixraac
ahan, waaweynka suuqa markay ay order furan ee uu sameeyay
barabax ama displacement wuxu ka taga goobo xiiso badan leh
(Point of interest (POI)).
HamzaFX
3.5 Institutional Reference Points
Hab tixraaca waaweynka suuqa lagu tixracaya waxay ka
caawinaysa inaad suuqa ka gashid meelo kalsooni ku dheehan
tahay kana fog liquidity-ga.
Haday retail traders nahay markasta waxaynu ka cararyna inaynu
u fikirno qaabka yaryarka suuqu u fikiraan taaso ah inay suuqa ka
galaan meelo can ku ah liquidity-ga, ta badalkeeda waxaynu
doonayna inaynu la trade-gareeno suuqa waaweynka si aynu u
qaadano trades kalsooni leh.
Suuqa marka manipulation dhaco isla markiba waaweynka suuqa
dalabki hore way iska xidhaan waxayna furan dalab ki hor lid ku
ah kana awood iyo lacag badan taaso keenaysa suuqu inu si
xawaare sare ku aado jihadi ay la doonayeen, xawarahaas suuqu
ku tagayo wuxu abuuraya dheeli tirnan la’aan taaso ay qasab
tahay inlaso dheeli tiro suuqa.
Hadaba labo qaybood ayeynu qaybin doono goobaha tixraaca
 Order-blocks, breaker block
 Suuqa aan dheeli tirnayn-> fair value gab
Aan si balaadhan usi sharaxno
HamzaFX
Insificient price
Qiimaha suuqa wuxu leeyahay dabeecad ah inuu markasta
dheeli-tiran yahay, hadi ay dhacdo dheeli-tirnan la’aan
qiimaha suuqa waxa qasab ah in mustaqbalka lasoo
buuxiyo.
Fair Value Gab
Waa saddex candle oo isku xiga oo kan saddexaad ku guul
dareystay inuu soo gaadho candle-ka kowaad halki uu ku
dhamaaday. Waxa u dhaxeeanaysa masaafo kan kowaad iyo
kan saddexad.
Buyside Imbalance, sell side inefficency(BISI)
Sellside Imbalance, sell side inefficency (SIBiI
HamzaFX
Suuqa wuxu ku qasban yahay masafada u dhaxeesa labada wick
ee candle-ka inu soo buuxiyo
HamzaFX
Suuqu wuu soo buuxiyay waaxana uu kusii socda jihadisa.
HamzaFX
Order-Block
Waa candle muhiim oo loo isticmaalo in lagu tixraaco
meesha mar labaad ay kaso gali donaan waaweynka suuqa
Candle (1) weeye order block waxa ka sareeyay FVG
wuxuna sameeya liquidity labada qodob aad ayey u
muhiimsan yihiin.
HamzaFX
HamzaFX
3.6 High and low resistence liquidity run
HRLR= high resistence liquidity run
LRLR= low resistence liquidity run
HRLR waa marka suuqu jabiyo high/low-gi ugu
dambeeyay suuqu sameeyo
LRLR waa marka suuqa ku guul-dareesto inu jabiyo H/L
1. High resistence liquidity run
HRLR waa marka suuqu sameeyo high iyo low cusub
isago meesha ka saaray (Liquidity) high iyo low-gi hore
In high iyo low-gan cusub lasoo qaado waa mid adag
waqti badana way qaadanaysa marka suuqu uu ixtiraami
doona.
HamzaFX
Inaad ku trade gareysay HRLR oo kaso horjeedsato
caqabad ayay kugu noqonaysa waayo suuqu wuxu u
dhaqaaqaya qaab daciif oo ayar aayar ah.
HamzaFX
2. Low resistence liquidity run (LRLR)
Markasta uu qiimaha suuqu isku dayo inuu sameeyo
high iyo low cusub wuxu noqonayo lug daciif ah una
jilicsan liquidity-ga
Waxad ogaata algorithm-ka suuqa wuxu markasta
meesha ka sari doono lug kasta oo jilicsan kuna guuldareesatay inay High ama low cusub sameeso.
HamzaFX
3.7 External and internal range liquidity
External range waxay ku saabsantahay buyside liquidity-ga
ka sareeya range high-ga iyo sellside liquidity ka hooseya
range low-ga halka aad marka ka trade garenaysid (dealing
range).
Internal range liquidity wuxu ku saabsan yahay inta gudaha
ku jira ee u dhaxeesa labada rage ee hoose iyo sare kuwaaso
ah trendline (LRLR), order-block, FVG.
Suuqu wuxu u dhaxeeya dhaqaaqa labada meelood internal
iyo external.
External liquidity range
HamzaFX
Suuqu wuxu ka imaada ecternal wuxu raadsada internal,
wuxu ka imaada internal wuxu raadsada external waa in
HamzaFX
3.8 ICT Dealing Range
Marka suuqa la qaado external range liquidity suuqu labo mid
ayuu sameeya inuu BOS saxa ino noqdo ama inuu noqdo
liquidity sax ah. Hadi suuqu BOS saxa ino sameeyo wuxuna
abuura NEW ICT Dealing Range taaso high-gi ugu dambeeyay
iyo low-gi ugu dambeeyay aynu diirada saarayno
Suuqu wuxu inoo abuuray cabir(range) cusub kaso isaga diirada
oo dhan aynu saari doono.
Cabirkan cusub aya waxa inooga soo baxaya arin kale oo xiise leh
oo ah Premium iyo Discount.
HamzaFX
3.9 Premium and discount
Nolosheena caadiga suuqyadena shayga aynu iibsanayno
marna uu qaaliyooba oo weynu ka faaideysana inaynu sii
iibino ama waynu iska dhaafna ila uu qiimahaasi qiimo
jaban noqonayo si aynu uu iibsano.
Marka shayga qaali yahay waad iska iibinaysa si aad u
faaido, marka uu jaban yahay ama qiimo-jaban yahay wad
soo iibsanaysa si aad uga faaido qiimahan jaban oo anad ku
qaaarin qiimaha qaaliga ah.
Hadaba fikirkan ayaa suuqa forex ka shaqeeya qiimaha
marku qaali yahay waa premium waad sell-gareenaysa
Hadii uu yahay qiimo-jaban waa Discount waad buygareenaysa.
HamzaFX
Natiijada suuqan jooga meel qiimo-jaban
Suuqa marka qaali yahy (premium) waxa fiican inad sell gareysay,
discount waxa fiican buy.
HamzaFX
4 Institutional Order Flow (IOF)
institutional order flow marka ICT la joogo sida ugu fudud
u fahmi karta waxa weeye dhaqaaqi ugu dambeeyay ee
bearish-ka ahaa intanu dhaqaaq weyn bullish ah bilaabmin
ama dhaqaaqi ugu dambeeyay ee bullish-ka aha intaanu
bearish bilaabmin. Waa qaabka ay waaweynka suuqu ula
falgalaan qiimaha suuqa ee socda.
Suuqa markasta IOF imaado waain la ixtiraaama si suuqu
usi socdo (Continuation) hadi kale suuqa is-badel ku
imanaya
HamzaFX
5 IPDA (Inter Price Bank Delivery
Algorithm) Ranges
IPDA waxay u tagan Inter Price Bank Delivery Algorithm
ujeedka ugu weyn loo isticmalaya wa in lagu ugaadhsado
meesha uu yaalo liquidity-gu.
Si aynu IPDA ula so baxno waxay calaamadesanayna 20-ki
cisho ee ugu dambeesay.
Suuqu waxa inoo muuqata IPDA 20-ki cisho laso dhaafey
inu qaadey BUYSIDE, 20-cisho ka dib aynu eegno
HamzaFX
Natiijada 20-IPDA aynu sharaxno siday ku dhacday
HamzaFX
Mid ka mida qalabyda aad ku ugaadhsi tagaysid marka
liquidity raadinayso waa IPDA.
HamzaFX
6 High Probability PD (Premium and
Discount) Arrays:
PD Array waa qalab loo isticmalo in suuqa lagu qiyaaso
meelaha uu ku kala wareegi doono ama jihada badalanayo.
Goobahaasi hadi uu ku yaaalo meel qiimo jaban waxa la
odhanaya Discount Array
Gobahasi hadi uu ku yaalo meel qiimo sarre ah waxa la
odhanaya Premium Array
Goobahas waa kuwo ay aad u sareyso fursada uu suuqu
isku badalayo waxa ka mid ah:

old high-liquidity
HamzaFX

FVG (BISI, SIBI)

Breaker block
HamzaFX

Liquidity voids: waa FVG badan oo isku xiga
Maskaxda ku hay suuqu wuxu ka dhaqaaqa meel macquul
ah in laga celin karo waxanu taga meel macquul ah inu tago.
High Probability PD (Premium and Discount) Arrays
fahamkooda wuxu trading-kaaga ka dhigi doona mid
isbadel weyn ku sameeya
HamzaFX
7 Time & Price
Waqtiga waa mid ka mid ah waxyabaha ugu muhiimsan
nolosheena sido kale waxa la mid ah ka ganacsiga forex,
inad waqtiga ugu saxsan suuqa la dhaqanto ayaa ah sir ay
inyar oo kaliya ogtahay.
ICT aya mar idhi” algorithm-ka suuqu wuxu ku dhisan
yahay qiimaha suuqa iyo waqtiga suuqa, qiimaha suuqa waa
mid bila faa’ido ah ila waqtiga ugu saxsan la gaadhayo, sido
kale waqtiga suuqu faaido malaha ila la joogo meel muhiim
ah PD ARRAY.
Waxa jiro waqti gaara oo dhaqaaqa suuqu yahay mid
xoogan waqtigaas waxa lo yaqaana KILLZONES. Wana
xiliyada ugu badan ee suuqu dhaqaaq ay tahayna inad
gashid oo ka faaideysatid.
Saddexda session waxay leeyihin killzone u gaara laakin
diirada waxaynu saarid doona London Killzone iyo
Newyork killzone
London killzone wuxu biaalbma 10:00 ila 12:00 am
New york killzone wuxu bilaabma 3/4:00 ila 6:00 PM
HamzaFX
Saddexdan session (Asian, London, Newyork) waxay sameeyaan
maalinta suuqu xagu u dhaqaaqayo, labada killzone (London,
newyork) waxay sameeyan dhaqaaqa xooga ee maalintaas.
HamzaFX
Noocyada dhaqaaq ee killzones-ka
Waxa asaas u ah Asian session qaabka u dhaqmo.
Noocyada dhaqaaqa ee suuqu sameeyo waa saddex nooc
oo ku dhisan fikirka killzone.

Asian range -> London manipulation -> NY Reversel

Asian Expansion-> London range->NY reversel
HamzaFX

Asian range->london expansion->NY reversel
 Range waa dhaqaaq isku sidkan isleeg oo aan kala
xoog badnayn, waxaana la uruurinaya ordersbadan
 Manipulation waa dhaqaaq bee abuur ah oo lagu
marahababinayo retial traders
 Reversel waa dhaqaaq abuura jiho badalashada
suuqa una dhaqaaqa jihada saxda ah
 Waa dhaqaaqa sameesma suuqu marka jihada saxda
uu aado
 Conslidation waa dhaqaaq abuura suuqa bila jihada
ah waana suuq isleeeg High iyo low-giisu
HamzaFX
8 QUARTERLY THEORY
Waa aragti meerto ah taaso ku dhisan waqtiga, waxay ukala
qaybinaysa sanadki/bishi/todobaadki/maalinti afar
qaybood taaso qayb walba ay qabanayso shaqo u gaara.
Aragtidan waxay ku dhisantahay Accumlation(A),
Manipulation (M), Distribution (D) and reversel or
conslidation (X).
Sanadki waxa lo qaybinaya afar qaybood oo 3di bilood
Januarty-march, april-june, july-sept, oct-Decem
Bishiina waxa lo qaybinaya afar usbuuuc
Todobaadkina waxa lo qaybinaya afar maalmood Mondaythrusday (not Friday).
Sesseion quarterly
Dhamaan saddex session ugu weyni waxay leeyihin waqtiyo
taaso ah 6 sacadood midkiiba inu furnaado 6-da sacadoow
ayaa waxay marayaan meertada n waqtiga ah.
HamzaFX
Asian Session
Asian session wuxu maraya mertada waqtiga 6da sacadood
ee u furan yahay waxaynu u qaybinayna afar taaso
noqonaya 90 daqiiiqada inu xaalad gaar ah ku jiro
2am-3:30 am (+3 Saacada geeska africa) (Q1)
3:30-5:00 (Q2)
5:00-6:30 (Q3)
6:30 – 8:00 (Q4)
(marka waqtiga isbadelo hal saac hore loso dhigaya)
London session
8:00 – 9:30 (Q1)
9:30 – 11:00 (Q2)
11:00 – 12:30 (Q3)
12:30 – 14:00 (Q4)
New york session
14:00 – 15:30 (Q1)
15:30 – 17:00 (Q2)
17:00 – 18:30 (Q3)
18:30 – 20:00
HamzaFX
Q1, Q2, Q3, Q4 / AMDX
Q1=X Continuation/ reversel of previus Q
Q2=A accumalation
Q3= M manipulation – judas swing
Q4=D Disturabation
Sidaad ula dhaqmayso
Q1= (A) accumalation-consolidation
Q2= (M) manipulation- judaas swing (trade-gare)
Q3= (D) distribution – (trade-gare)
AMDX, XAMD
Shaqada Q1
Hadi Q1 expansion inoo sameeso Q2 waxaynu ka
dooneyna inay ino sameeso Consolidation.
Hadi Q1 consolidation ino sameeso Q2 waxaynu ka
dooneyna expansion.
Waqtiga rasmiga suuqu furma waa Q2





Q1 ku same falanqeeyn ka hor furshada market
Waxad u baahantahay inad eegto hTF PDA
Isticmaala XAMD ama AMDX
Q1 iyo Q2 suqa ka analyse gare Q3 waa enrty
Q3 waa entryga ugu fiican
Waqtiga rasmiga ee suuqu furma waa Q2 (9:30 – 11:00)
HamzaFX
Xiligaas Q1 (8:00 – 9:30) hadi aad sell garensyid suuqa waa
inu ka sareeya hadi aad buy gareenaysid suuqa waa inu ka
hooseeya.
Waqtiyada suuqu furmo
o
o
o
o
o
o
o
Sanadka- kowad april
Bisha – Isniinta labaad ee bisha
Todobaadka - Isniinta 2am
Maalinta – 8da subaxnimo
Asian session- 3:30 am
London session – 9:30
New York – 3:30 pm/casar
ICT JUDAS SWING
o Accumalation
o Manipulation
o Distribution
Waa inad sifiican u fahanta qodobadan waayo suuqu wuxu
maraya markasta jaran-jaro qorsheysan
Suuqu wuxu sameeya dhaqaaqyo uu ku qaday HTF
SSL/BSL xiliga Q1 iyo Q2 waa inad indhahaga sifican ugu
furta
HamzaFX
IPDA Quartels
1- Q1 = suuqu wuxu sameenaya continuation ama
reversel
2- Q2 (A)= Suuqu wuxu sameenaya
consolidation/accumalation – pre market analyse
3- Q3 (M)= suuqu wuxu sameenaya manipulation ama
expansion (distribution) waxa dhacaya XAMD ama
AMDX
4- Q4(X) suuqu wuxu sameen ama reversel oo halki
ayu kuso laaban(Q3) ino ahayd ama continuation.
Markad ku jirto Q2/Q3 maskaxdada ku haya
qodobadan
o Sawiro DOL
o Waa inad isticmaasha HTF PD ARRAY iyo
MMXM
o Waa in waqtiga suuqa furmayo la socota
HamzaFX
9 Entry Model
Waxaynu soo gaadhnay meesha ugu muhiimsan nidaam
walba oo forex ka jira, qaabka trade loo galayo inago
saldhig uga dhigayna dhaman nidaamkayno soo baranay.
Waxa jira entry-yo aad u badan marka la joogo concept ict
laakin waxan kaso qaadan doona labada ugu caansan ugu
tayada fiicaan kuna shaqeeeya dhamaan models-ka kala
duwan ee nidaamkan leeyahay dhamaantod qasab maha
inad isticmaasha waxa fiican ugu yaraan labo kamid ah
inaad ku takhasusto
1. Breaker Block Entry
Entry model-ka kowaad waa Breaker block, BB waxa uu u
shaqeeya sida Order-block(B), wuxu kaga duwan yahay waa
order-block ku guul-darestay suuqa inu celiyo oo la
jabsadey.
BB wuxu imaada marka suuqu si xoog ah uga so dhaqaaqo
meel PD Array ino ahayd jabsadana Structure-ka kaso
horjeeda. Wuxu leeyahay dhowr calamadood
 Dhaqaaq ad u xoog badan jabinaya structure-kaso
jeeda
 Sweep of liqudity
 FVG
 Failed order-block
HamzaFX
HamzaFX
2. Liquidity sweep + MSS
Entry model-kan waa ka ugu caansan marka la joogo ICT
CONCEPT waaka ugu badan ee aad isticmaali doontid
Wuxu ka kooban yahay afar qodob:




HTF PD ARRAY inaad hesho
LTF liquidity sweep inaad hesho
Inaad hesho MSS (Market structure shift)
Inaad hesho FVG ama O.B
Afarta qodob ayuu ku dhisan yahay entry modelkan
HamzaFX
Labadan oo entry oo sifican ugu barata waxay ka dhigi doono
mid ku guuleysta suuqa forex.
HamzaFX
10 DAILY BAIS
Qiimaha suuqa maalin walba wuxu sameeya dhaqaaq balse
ma badalo qaabka u u dhaqaaqayo taasina waxay awood ino
siinaysa inay si saadalin karayno maalinta aynu joogno sida
ay noqon doonto inaga xogti aynu hore u haysanayn ku
matalayna.
Fikrada guud aynu u adegsanyno si aynu u helno Daily
Bias-ka waa isku genyta sell/buy side, FVG, O.B, swing
high/low iyo premium/discount.
Waxa saldhiga ugu weyn u ah liquidity, markasta suuqu
wuxu so qadaya liquidity wuxu tagaya liquidity si uso qaado,
drow on liquidity (DOL) ogaanshaha meesha liquidity la
aadaya uu ka xigo.
Adeegsiga xogta weekly-ga
Inaad adeegsato xogta weekly-ga si aad u hesho daili=y
bias-kaga waa mid muhiim waayo waqtiba waqtiga uu ka
hooseya/sareeyo ayuu sificn u sharaxa.
HamzaFX
Talaaboyinka aynu qadayno si u ogaano Daily BIAS
Talaabada Kowaad
Ku bilow inaad falanqeesid Daily Chart ama D1 waayo
halkan waa halka waaweynka suuqu ka galaan ama sifiican
uga aqriyaan order-kooda
Sida jaantuuska sare ka muqda sawiro Swing high iyo swing
low-gii ugu dambeeyay ee suuqu ku sameeyo.
Talaabada labaad
Sawiro liquidity-ga lugteebu suuqu imika qaaday teebu
suuqu target-garesanaya oo u raba inu soo qaado
Hadii suuqu uu qaadey lug sell side ah waxad ogaata inu
suuqu u socda inuu soo qaado buyisde liquidity
Hadi suuqu uu qaadey lug buyside ah waxad ogaata suuqu
inuu doonayo inuu soo qaao lug sell side ah.
HamzaFX
Sawirkan hoose waxad arkaysa inuu suuqu so qaadey sell
side meesha labaad ee la aadi doonana ay tahay buyside
liquidity sare.
HamzaFX
Talaabada saddexaad
Ogow suuqa halkee ayuu jooga ma meel discount ah mise
meel premium.
Hadi suuqu premium joogo waa meel sellers ku xoog
badan yihin.
Hadi discount joogana waa meel buyers ku xoog badan
yihiin.
HamzaFX
Talaabada afaraad
Waxad is waydiisa ma jiraan FVG ama order-block suuqa
uu ixtiraami doono oo uu kukala noqon doono.
Suuqu wuxu jooga meel discount oo buyers ku xoog badan
yihiiin. Dhamaantod waynu isku soo xidhanay natiijada soo
baxday waatan suuqu sifiican ayu u tagay buy-side liquidity
HamzaFX
11 WEEKLY PROFILE
Dailay bias-kena waxa uu ka abuurma weekly-ga, hadaba
todobadku wuxu ka kooban yahay 5 cisho oo trading ah
maalin kasta waxay leedahay wajiga u gaar ah waxanad ka
caawinaysa inad ogaata maalin caynke ah ayad ku jirta adigo
ka tusaale qadanaya weekly profile-ka Saddexda ugu
muhiimsan ayeynu kasoo qaadan dona
1. Wednesday Low/High of Week
HamzaFX
2. Consolidation Thursday Reversal
3. Bullish/Bearish Classic Expansion Week
HamzaFX
11 deep View
Halkan waxaynu kusooq qadan doona dhaman ICT modelda ugu fiican ee aad u isticmaali karaysid si aad entry ugu
heshid.
Dhamaan models-kan waxa saldhig u ah intaynu hore uso
aragnay Sell/buy liquidity, swing H/L, FVG ama
orderblock, Premium/discount IWM.
Market maker model (MMXM)
Waxa jira labo nooc oo ah MMXM waxay kala yihiin
1. Market Maker Sell Model (MMSM)
MMSM aragti ahaan waxay ka bilaabmaysa Original
consildation ilaa laga aadaya meel Premium Array ino ah
(FVG ama liquidity).
Marka suuqu imaadomeesha Premium array ino ah suuqu
uu kala wareegaya (Smart money reversel) isago suuqa toos
u aadi doono halki liquidity ino ahay DOL.
HamzaFX
Tusaale
Waa muhiim inaad ogaata sida Waqtiga kala duwan aad uga
eegaysid MMSM
Monthly -> Daily
Weekly -> 4H
Daily -> 1H
4H -> 15M
1H -> 5M
HamzaFX
2. Market Maker Buy Model (MMBM)
MMSM aragti ahaan waxay ka bilaabmaysa Original
consildation ilaa laga aadaya meel Discount Array ino ah
(FVG ama liquidity).
Marka suuqu imaada meesha Discount array ino ah suuqu
uu kala wareegaya (Smart money reversel) isago suuqa toos
u aadi doono halki liquidity ino ahay DOL.
HamzaFX
Tusaale
HamzaFX
PO3 AMD Model
PO3 waa hab awood badan wana istaraatijiyad ganacsi oo
xooggan oo la xaqiijiyay waxayna diirada saaraysa saddex
qodob, Accumalation (A), Manipulation (M) iyo
Distribution (D).
Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay PO3 waa inay inasiis
hab-raaca dhaq-dhaqaaqa suuqa si aynu u garano marka
qiimaha suuqa bullish/bearish ahaan ku dhaqaaqayo,
habraacan waxa xoojinaya kana dhigaya mid tayo fiican leh
waa sida ay ula jaanqaadayso waqtiyada kala duwan.
HamzaFX
Qaybaha PO3
 Accumlation phase- wajiga kowaad waa uruurinta
orders-ka ay furayaan ganacsatada forex kuwaas
iibsanaya qiimo gaar ah oo hantidu leedahay
waxayna rajeenayan inay kor ugu kacdo, awooda
iibiyayaasha aad ayey u yartahay waxay u baahan in
tuur-weynta suuqa ay so galaan oo qimaha kor u
dhaqajiyaan.
 Manipulation phase- wajiga labad waa been-guur
ama marahabaabinta ganacsatada yaryar, suuqa
markay so galan tuur-weyntu waxay kaxeenaya
qiimaha suuqa waxayna geenayaan meel ka hoose
halkii shumac malintaas uu ku furmay si ay meeesha
uga saaran dhamaan stop-losska ganacsatada yaryar.
 Distribution phase- wajiga saddexaad waaa
kaxeenta qiimaha suuqa jihada saxda ah, qiimaha
suuqa waxa awood badanaya iibsadaha (buyers) inta
badan iibiyayasha (sellers) way ka bixi doonan
waxayna bilabayan iibinta hantida.
HamzaFX
Bullish ICT Power of Three PO3:
Qiimaha suuqa wuxu ku dhexgali doona range kaso ino
noqonaya accumalation.
Range-ka luugtisa hose ayaa qiimaha suuqa so nadiifin
doona (sweep of liquidity) taasina waxay inoo noqonaysa
manipulation.
Qimaha suuqa kor ayu isku kala bixin doona isago jabinaya
qaab dhismeedka suuqa (BOS) wuxuna sameenaya
shumacyo bullish ah oo xog badan.
Range high marka la jabiyo soo noqoshada qiimaha suuqu
so noqonaya (retracement move) kaas baynu ka galayna.
HamzaFX
Fiiro gaar ah- markasta oo aad buy gareenayso qiimaha
suuqa waa inaad ka buy gareesa meel ka hooseysa halki uu
ku furmey.
HamzaFX
Bearish ICT Power of Three PO3
Qiimaha suuqa wuxu ku dhexgali doona range kaso ino
noqonaya accumalation.
Range-ka luugtisa sare ayaa qiimaha suuqa so nadiifin
doona (sweep of liquidity) taasina waxay inoo noqonaysa
manipulation.
Qimaha suuqa hoos ayu isku kala bixin doona isago
jabinaya qaab dhismeedka suuqa (BOS) wuxuna sameenaya
shumacyo bearish ah oo xog badan.
Range low marka la jabiyo soo noqoshada qiimaha suuqu
so noqonaya (retracement move) kaas baynu ka galayna.
Waqtiga ugu fiican AMD model waa 15M iyo 5M.
HamzaFX
ICT SILVER Bullet Time-Based Approach
ka ganacsiga lacagaha forex waxa lagu wajahi kara iyado la
isticmaalaya habraac waqti ku dhisan taaso ah habraaca
Silver Bullet
Pips Target in ICT Silver Bullets
 Markaad trade garenaysid lacaga forex xadiga pip ee
ugu badan raadinaysa waaa 15 pip
Types of Liquidity to Target
Si aad u hesho trades guuleysta noocyadan liquidity-ga
diirada saara
 Previous day’s high and low prices.
 High and low-ga seesion-ki ugu dambeeyay.
 High and low-ga weeki ugu dambeeyay.
 Classic ICT OTE (Optimal Trade Entry) zones.
Waxyaabaha Muhiim ka u ah Silver Bullet



Identify Untapped Liquidity Pools
Raadi meel ay yalaan liquidity badan taaso aanu
suuqa wali qaadin.
Anticipate Market Movements
Sug qiimaha suuqa ila uu sifican ugu dhaqaaqaya
barkada liquidity-ga ah
Sawir FVG
Marka la raaco tillaabooyinkan oo la waafajiyo waqtiyada
loo qoondeeyay, traders-ku waxay adeegsan karaan
HamzaFX
istiraatiijiyadda bulletSilverka si ay sare ugu qaadaan
natiijooyinkooda trade-koda. Xusuusnow, trade-ka xikmad
leh oo taxaddar leh ayaa fure u ah guusha suuqyada
maaliyadeed.
HamzaFX
Dhaqaaqa NEW YORK KILLZONES
New York waxay sameesa oo kaliya saddex dhaqaaq
Continuation Newyork
–Newyork Reversal
-Low Probability Newyork
HamzaFX
12 Final: Master your mindset
Haddii aad rabto inaad noqoto ganacsade wanaagsan,
waxaad u baahan tahay inaad si fiican u maamusho cilmunafsiga ganacsiga.
Ma jiro wax burburin kara trade-kaga si ka dhaqso badan
dareenka. Cabsi, hunguri, rajo, qoomamo - dhamaantood
waxay burburin karaan trade-kaga.
Cilmi-nafsiga ganacsigu wuxuu ka shaqeeyaa xaaladaha
maskaxda iyo dareenka trading-kaga. Dhammaan waxay ku
saabsan tahay sida dhaqankaaga iyo maskaxdaadu u
saameeyaan sida aad uga ganacsanayso. Waxa kale oo ay
taabanaysaa anshaxaaga iyo khatarta qaadashada.
Waxa jira labo khatar oo kugu imaan karta
 Hungurinimo
 Baqasho
Dareenka ayaa door weyn ka ciyaara istaraatiijiyadaada
ganacsi ee guud. Haddii aad rabto in aad guulaysato, waxa
aad u baahantahay in aad si fiican u hanato.
4-ta Cabsi ee Ganacsiga
 Kibirka: marmarka qaar inaad aad ugu
qancsantahay oo aanad islahayn khalad ma jiro
waxay ku sababi karta inaanad ka baran khaladkaaga
oo aad si joogto.
 Faraxad saaida
 Xanaaq badan
 Samir la’aan
HamzaFX
Sida loogu barto Xirfadaha Cilmi-nafsiga
Ganacsigaaga 7 Tallaabo
1. Trading journal joogte same
2. Qaraasahag ka baro
3. Trade-ka kowad hada qaasato ka labaad yare lot-ka
aad ku galaysid
4. U fiirso Hab-dhaqanka Ganacsatada Guulaysta
5. Clear Your Mind
6. Qaado trades aad ku kalsoon tahay
7. Ogow sababta aad uga ganacsayso
HamzaFX
Download