Uploaded by caawiye4u

cabiraada xaglaha group one

advertisement
Gahayr teacher training college
Subj: math
Class: 5
Group 1 (1 to 10)
date: August 14, 2023
xubnaha
No
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
Magac
Abdulkadir Abubakar Fiidow
Abdulkadir Adan Afrah
Abdulkadir Ali Siyad
Abdulkadir Jinow Abdulle
Abdulkadir Nur Mire
Abdulkadir Osman Abdullahi
Abdikarin Mohud Yusuf Takow
Abdullahi Ahmed Bile
Abdullahi Bore Ahmed
Abdullahi Abdi Hassan
Assignment: cabbiraadda xaglaha
5.3 CABBIRAADDA XAGLAHA
Cabbiraadda xariijimuhu waxay u baahdeen in la helo halbeeg cabbiraadeed. Markaasaa,
xarriijin gaar ah dhererkeeda loo qaatay halbeeg cabbiraadeed, oo magac loo bixiyey sida
“mitir” iyo “fuudh”.
Tabtaas oo kale, si aynu u helno cabbir xagleed, waxa lagama maarmaan ah inaan xagal ka
dhigno halbeegga cabbiraadda xaglaha. In kastoon xagashaan doono ka dhigan karno halbeeg
cabbiraadeed, waxaa habboon midda la isku raacsan yahay inaan inaguna isticmaalno.
Xagal waxaa lagu qeexaa <<isutagga laba fallaarood oo hal bar billow wadaaga>>.
Waxaad sawirtaa xarriiq toosan (eeg jaan. 1), kadibna calaamadee bar ku taalla xarriiqdaa, una
bixi B, laba barood oo labada dhinac ka kala xigana calaamadee, una kala bixi T iyo J.
T
B
J
Marka BT IYO BJ waa laba fallaarood oo ku kulma barta B. sidaa darteed, TBJ waa xagal
geeskeedu yahay B. waxaana aragnaa inay xarriiqda toosani tahay xagal. xagasha jaadkaas ah
waxaa la yiraa xagal toosan.
Haddaba waa maxay xagasha laysku raacsanyahay ee ah beeggalka cabbiraadda xagluhu.
Sawir xagal toosan oo geeskeedu yahay B(eeg jaan. 2). Labada barood oo labada dhunac ee
xagasha ku kala yaallana calaamadee una kala bixi T iyo J.
T
B
J
Xagasha iyo gudaheeda haddaan u qaybino 180 xaglood oo isku sar go’an xagashii xagasha 180
ka ah ka mid ahba cabbirkeedu waa 1digrii iyadaana ah halbeegga cabbiraadda. Marka lasoo
gaabinayo 1digrii, waxaa loo qoraa 10 . markaa, xarriiqda toosani waa 1800.
Haddaba xagasha laysku raacsanyahay waa hal wareeg oo 360 meelood loo qaybiyey, waxaana
la yiraa 1 digrii (10).
𝟏
Kolka 10 = 𝟑𝟔𝟎 × ℎ𝑎𝑙 𝑤𝑎𝑟𝑒𝑒𝑔.
Xagal gaar ah cabbiraaddeedu waxaa waaye inta xaglood, ee mid walba cabbiraaddeedu tahay
1o, ee lagu dhex sameyn karo xagashaa iyo gudaheeda. Cabbiraadda xagluhu had iyo jeer ma aha
1
1
tirooyin idil oo digriiyo ah keliya; way yeelan karaan cabbiraadyo sida 30 2digrii, ama 654digrii
oo kale ah. Hase yeeshee waa la iska ilaaliyaa in jajabyo digriiyo ah la isticmaalo. Halka digrii
oo ixdan xaglood loo qaybiyay waxaa la yiraa hal minit. Halkaa minit waxaa loo qoraa 1’ .
1
3
markaa cabbiraadda ah 302 waxaa habboon in loo qoro (30o30’), midda ah 654 digriina waxaa
loo qoraa 65 digrii iyo 45 minit (65o45’).
Xusuusnow in 1 digrii (1o) = 60 minit (60’)
1 minit (1’) = 60 sekan (60”)
Habka loo cabbiro xaglaha
Xaglaha qalabka lagu cabbiro waxaa loo yaqaan xagal beegga. Alaabadaasi waxay sawaabisaa
xagal toosan oo loo qaybshay 180 xaglood oo isku sargo’an. Markaa, waxaa lagu cabbiri karaa
xaglo cabbiradoodu u dhaxeyso eber iyo 180 digrii. Xagal beeggu wuxuu u egyahay sawirka ku
muujisan jaantuska 3aad.
Xagal beeguhu waa qalab loo adeegsado cabbiraadda xaglaha.
Xagal beeguhu waxa uu leeyahay laba iskeel oo kala ah iskeel gudeed iyo iskeel dibadeed mid kastaana
waxaa uu ka bilaabmayaa 0° ilaa 180° waxa ayna inoo sahlaysaa in aan u cabirno xaglaha dhan walba.
Ogow:
Marka aad dooneyso cabbiridda xagal dulsaar xagal beegaha xagasha dhusheeda. Ka dibna,
1- Xuddunta xagal beegaha dulsaar geeska xagasha.
2- Lasin xagal beegaha dhinac ka mid ah xagasha. (cabirka 0° )
3- Akhri cabirka dhinaca kale ee xagashu ka jarayo xagal beegaha.
Tusaalaha 1aad: Akhri cabbirka xaglaha soo socda.
Tusaalaha 2aad: Sawir xagal cabbirkeedu yahay 40°.
Si aan u sawirno xagasha cabbirkeedu yahay 40°, waxa aan maraynaa tallaabooyinka soo socda:
1. Waxa aan sawiraynaa xarriijinta AB
2. 2. Waxa aan dulsaarayaa xuddunta xagalbeegaha barta A dhinaca ebertana waxa aan la simayaa
xarriijinta AB.
3. Waxa aan kasoo cabbirayaa aniga oo kasoo bilaabaya eberta ilaa barta 𝐶 oo ku beegan 40°.
4. Waxa aan calaamadeynaa xagasha ∠𝑇B𝐶 = 40°.
Layli
1) Adeegso xagal beega si aad u cabrito
DHAMAAD
Download