Uploaded by Abdi Ali Liban

ASWAAN by Abdi Ali Liban(1)

advertisement
Maansadan oo lagu magacaabo Aswaan waxa
tiriyey CABDI CALI LIIBAAN.( 2/5/2005)
Aswaan
By ABDI ALI LIBAN
Imisaan Aswaan Yahay
Aawadaa U Ooyoon
Intaan Kuu Abaajiyey
Arramidaada Awgeed
Awsaax La Jiifsaday.
** Sida Ruux Amuume Ah
Imisaan Addoon Yahay
Aamusoon Adkaystay.
Urugudaada Awgeed
Olol Laygu Shidayoon
Afuufoon Bakhtiyoon
Uurka Aan Ku Haystay.
Adiguna Inan Yahay
Ardal Ii Malaysood
Qalbigaygan Ooman
Ashqaraar Ka Dhigatood.
Sida Iddo Asooley
Afar Jeer Ayaantii
Kolba Amar Isiisay.
Ansax Maaha Kibirku
Anfac Maaha Aanadu
Adiguna Suleekhaay
Isla Weyni Madhani
Iidaan Ma Noqotoo
Eed Beeli Mayside
Waxa Iman Ayaan Adag
Amar Eebe Mooyee
Arrinkale La Qiimayn
Arxan Eebe Mooyee
Odhaah Kale Shaqaynayn.
Oohintiyo calaacalka
Indhahayga Ka muuqdiyo
Urugada xanuunka le
Uurka aan Ku haystee
Afka ay Ku adag tahay
Eray inu Ku sheego ama
Odhaah Ku qeexo
Oogayayda muuqdiyo
Indhahaad Ka aragtaa sidaan
Kuugu iisheen kuugu
Oomay gabadh yahay
Ayaandarada caashaqa
Itaal li'da awgeed.
Halna waa ogeysiis
Ilnugeyl umaan dhalan
Asaagayna Uma jabo
Unuunkoo igo'ayiyo haddii
Iilka lay dhigayo ma
Agmaro xaqiiqada
Eraygayga dhuuxoo Ka
Umuli tusaalaha ha
Agmarin Ujeedada haday kugu
Adkaatana Alif macalin weydii.
ERAY BIXIN::
Aswaan: gabadh
Awsaax: mas da' weyn
Ardal: qof la yaso/quudhsado
Ammuume: qof afgaaban oon gartiisa sheegan Karin.
Download