Uploaded by Mohamed Ahmed

gabadhii-bunduqa-qaadatay

advertisement
www.aragtixora.wordpress.com
Gabadhii Bunduqa Qaadatay!
W/Q: Haregu Kaleta [af Tigreeyan]
W/T: Charles Cantaluno & Bahel Asgedom Zere [af Ingiriisi]1
W/T: Cabdicasiis Guudcadde [af Soomaali]
Markii aannu yaryarayn, abtigayo Saleebaan wuxuu u gebidhaclayn jiray sida
bakaylaha. Markuu ka hadhay fasalka siddeedaad, wuxuu bilaabay in uu miyiga
ka soo iibgeeyo hargaha xoolaha, oo uu dhabarkiisa ku soo qaadi jiray ama uu
dameer ku soo rari jiray. Sidoo kalana shumacyo ayuu sidan jiray. Toban iyo shan
sano ka dib, iminka waa ganacsade maalqabeen ah, bidaar leh, calool kuusan, oo
socod liicliica leh. Waxaan damacsanaa in aan mar uun wayddiiyo: “Si aad hanti
u yeelatid, ma in aad gabawdid baa?” Siduu dagaalkuba u bilawday, intayada kale
waannu hagaasnay, balse Saleebaan wuu ladnaaday. Wuxuuba u eekaaday in uu
caalam kale ka yimi.
Had iyo gooraale wuxuu gashadaa jaakad maas ah iyo kabo cadcad. Wuxuu
hadda leeyahay dhawr guri, dukaanno iyo gawaadhi. Wuxuuna ku hadlaa af
Xabashi lagu dhex khalday erayo af Tigreenyan ah. Intii aan ka tirsanaa Jabhadda
Xoraynta Ereteriya ee aannu la dagaalamaynney Itoobbiya, wuxuu xaflad
soodhawayn ah oo kaalay arag ah u dhigay walaashay oo ka soo laabatay tarxiil
ay Sacuudiga ugu maqnayd. Iminka aniga ayaa soo laabtay, oo markii kowaad
isaga arki doona tan iyo intii aan dagaalka u baxay. Maanta anigaa xaflad la ii
qaban doonaa. Laakiin tolow sidee bay noqonaysaa? Anigu halgamaa baan ahaa.
Furinta ayaan ku noolaa. Cidina qarash igu ma bixin jirin. Halka askarta cadawga
la xoolayn jiray, halgamayaasha Ereteriyaanka ah waxba loo ma dhiibi jirin.
Waxaannu u dagaalannay gobonnimada Ereteriya. Waannu ku guulaysannay.
Ereteriya waa xor, taas baana aniga qarash ii ah. Haatan iyo dan waan soo laabtay
e, tolow muxuu ii qaban doonaa si uu iigu mahadnaqo?
Waan sii garanayey in uu igala hadli doono markii u danbaysey ee aanu is
aragnay, iyo in uu i wayddiin doono: “Meeye halagamaashii kale ee kula soo
dagaalgalay? Efrem, oo aannu iskuulka wada dhigan jirnay intii aan aniga la iga
caydhin, miyuu weli joogaa?”
***
1
https://www.wordswithoutborders.org/article/the-girl-who-carried-a-gun
1
www.aragtixora.wordpress.com
Fasalka siddeedaad wuu ka baxay Efrem, wuxuuna ka maqnaa labo sano
maaddaamo uu xanuunsaday. Markii uu ku soo noqday, wuxuu la bilawday
fasalka siddeedaad ee cusub, oo aan anigu isla markaa ka mid noqonayey. Isku
fasal baannu ahayn saddexdii sano ee ku xigey. Maaddaama uu iga weynaa,
wuxuu u qaatay in uu sidoo kalana iga xariifsan yahay. Markii aan ku
wanaagsanaaday sayniska, ayuu xifaaltan noo curtay. Balse fasalkii sagaalaad
markaannu soo gaadhnay, saaxiibbo lillaahiya ayaannu noqonnay.
Saaxiibtinnimadaa oo markii danbe u xuubsiibatay jacayl kuraynimo.
Saleebaan arrintaa wuu ka warhelay, waalidkay ayuuna ku taabtay. Ugu horrayn
ka may dhegaysan, waayo waxay iga aaminsanaayeen in aan ahay qof qajilaad
badan; balse maalin bay isku kaaya arkeen aniga iyo Efrem. Qorshayaal kale ayay
ila maagganaayeen, oo arrintani way ku adkaatay. Waxay ila rabeen in ay igu
daraan nin ganacsade ah. Arrintii baan Efrem u sheegay, waxaanu igu beryay “Ha
ka yeelin!” Dabadeed wuu iska tegay, dibna u maan arag. Waan muraaladillaacay,
waalidkaygu taa way ka warhayeen.
Bishii Jeneweri, oo ah bil ay Ereteriyaanku caado u leeyihiin in ay is aroosaan, ayay
Hooyaday ii kaxaysay aroos mid aan habaryar u ahay baadiyaha loogu dhigayey.
Saleebaanna wuu ka soo qaybgalay. Muran bay igu dul qabsadeen mar ay
moodeen in aan gam’ay.
Waxaan maqlayey Saleebaan oo leh, “Bal ka warran hadday baxsato? Bal ka
warran hadday goosato in ay halganka ku biirto? Iminka dhallinyaradu sidaasay
wada yeeshaa e.”
“Suuragal ma aha. Maxay markaa qaban doontaa? Waar, xataa way ka cabsataa
keligeed bannaanka in ay u baxdo.” Weligay ma maqal Hooyaday oo sidaa
quudhsiga ah iiga hadlaysa.
***
Diyaargarawga arooska ka muuqday wuu i indhadaraandariyey. Weligay ma
arag intan oo dad ah, oo da’yar u badan, oo sidan caqiibada leh u lebbisan, oo
awood muujinaya, isna gacanqabanaya. Habaryartay waxay ka caawinayeen
qaadista wax kasta, dhisidda teendhooyin waaweyn, soo-gurista xaabada—wax
kasta oo ay u baahato. Is-ahaanshahaa bulsheed hore u maan arag. Qof kastaa
wuxuu ka qaybqaadanayey wixii la hayo: qosol iyo raynrayn, dhib iyo halgan.
Waxay u diyaarsanaayeen in ay wada shaqeeyaan. Waxaan qiyaasi karayey in
wiilasha badankoodu ay ahaayeen halgamayaal, oo waxay ka muuqatay
2
www.aragtixora.wordpress.com
dabagaabyadooda kaakiga ah, iyo shaadhadhkooda gacmagaabka ah ee lagu soo
sanceeyay Talyaaniga ee lagu yaqaan shaqaalaha wershadaha.
Hablo qurqurxoon ayaan ku dhex arkayey halgamaayasha, waxaanan
habarwadaagtay wayddiiyay: “Oo hablahaasi maxay wiilasha ka dhex
qabanayaan?”
“Alguyeey,” ayay igu tidhi iyada oo qoslaysa, “ma waxaad ka cabsanaysaa in ay
kufsadaan? Way og yihiin in ay ficilkaa samayntiisa ku dhimanayaan. Xeerka aad
bay uga baqaan, waxa kale oo ay noqon karaan kuwo dhufaanan.”
Anigoo yaxyaxsan ayaan fiirsanayey wiilasha oo dhaantaynaya, qoryahoodana
aan sii daynayn, bushqadaha rasaastana dhexda ku xidhan. Heesta ay isla
jiibinayeen waxay ammaanaysey gabadh bunduqii iska dhigtay oo ilmo yar
sidata:
“Bunduq way qaadatayoo
U ma baahna haddeerto
Dhiig buuxa butaaca
Dagaalkii way badisoo—
Libaax weeye bidhaanta
Cag-baruurkiisa watoo
Ay ku baacisay caashaq.”
[She carried a gun
But she needs it no more
Full blooded and brown
She’s won the war—
A lion with her cub
Who grows with her love!]
***
Hoggaamiyihii askarta, Wedi Sheka, ayaa i soo abbaaray. Waxyaabaha uu
dhurayo in badan ayaanan fahmayn, waayo si hoose ayuu u xanshaashaqayey.
Haddana waan u bogay. Waxaan kaloo u bogay gadhkiisa weyn ee la jaanqaadaya
timihiisa Afrooga ah ee cid kastaaba og tahay in ay astaan lagu dhaato u yihiin
“Halgamaa baan ahay.”
“Uurka Ereteriya ayaynu ka wada nimi,” ayuu igu yidhi isagoo markii hore
cagajiidaya markii danbe se kalsooni ay gashay. “Waxaanan ka wadaa cid kasta,
3
www.aragtixora.wordpress.com
ha yaraato ama ha weynaato, wax ha barato ama yaanay baran, magaalada ha ka
timaaddo ama miyiga, wiil ha ahaato ama gabadh. Dhammaantood waa in ay
dalkeenna ka xoreeyaan gumaysiga.”
Micno sidaa u buuran muu samaynayn, haddana waxaan iska wayddiiyey: “Oo
horta hablaha idinla socdaa maxay ahaayeen? Maxay qabtaan?”
“Waxay u dagaalamaan sidayada oo kale,” ayuu ii yidhi qaab dhabdhab ah.
“Oo dhab ah? Oo miyay awoodaan? Wiilal iyo gabdho wada jira? Oo furinta wada
jooga? Oo waa caadi? Yacnii, way dhacdaa?”
Wuu qoslay. “Sharciyaannu leennahay, oo waanu dabbaqnaa. Hablaha ma
dhibaataynno.”
Hal su’aal oo i gubaysa ayaa igu hadhsanayd: “Wiil Efrem la yidhaahdo oo
magaalada ka yimi dhawaanahan miyuu idinku soo biiray?”
“Waayo?” ayuu igu soo celiyey.
“Isku iskuul baannu ahayn.”
Buug xasuusqor ah ayuu la soo baxay, ka dibna magacii ayuu mar kale i
wayddiiyay, madaxa ayuuna ruxayey intaa uu fartiisa bogga dul hayey, wuuna
joogsaday si uu ii yidhaahdo: “Waa xubin aammin ah oo unuggayaga ka tirsan.
Iminka wuu xidhan yahay.”
Wax intaa ka badan in aan maqlo maan rabin.
***
Markii aannu guriga ku soo soconnay, ayaan Saleebaan u sheegay in arooskii aan
ka soo helay, taas oo Hooyaday ay ka mabsuudday. Arrintii igu mudnaydna, ee
ahayd in aan xabsiyada magaalada Efrem ka soo baadigoobana, waxaan ka
dhigtay sir laabtayda ku ilaashan. Markaannu magaalkii ku soo laabannay, galab
baannu aniga iyo Saleebaan ag lugaynnay Madasha Salaase. Itoobbiyaanku
dhawaan bay magacii ka beddeleen oo u bixiyeen Madasha Qaranka, balse taasi
dib u may soo celin basaskii la mamnuucay iyadoo cabsi laga qabo in
halgamayaashayadu soo weeraraan. Saleebaan wuxuu u ekaa qof baxsan,
dabadeed waxaan wayddiiyay, “Maxaad ka fekeraysaa?”
“Arooskaaga ayaan ka fekerayaa,” ayuu si qunyar ah iigu jawaaabay.
“Ganacsaduhu goortii uu ku soo dooni lahaa waa lala ballamay.”
4
www.aragtixora.wordpress.com
Waan dumi gaadhay, haddana waxaan u sheegtay in aan suuli u baahanahay ka
dibna waxaan degdeg u galay maqaaxi anood i mooddid in aan rasaas ka
gabbanayo. Daqiiqaddaa wixii ka danbeeyay mar kasta waxaan ka fekeri jiray
halgamaayasha gobbonimaddoonka ah. Ma kala garan karo in aan anigu
halgamaayasha soo helooday, iyo in ay iyadu i soo heleen. Wuxuun baan ogahay
in aannu isu baahnayn. Waxa igu soo noqnoqda wejigii Wedi Sheka, waxaanan
maqlayaa isagoo si kalsooni ka buuxdo u leh, “Cid kasta, ha yaraato ama ha
weynaato, wax ha barato ama yaanay baran, magaalada ha ka timaaddo ama
miyiga, wiil ha ahaato ama gabadh. Dhammaantood waa in ay dalkeenna
xoreeyaan.”
Halgamayaal badan oo aan la kulmayna intaas uun bay lahaayeen. Waan u
qushuucay mintidnimadooda, waxaanan rumaystay sheekooyinka ay ka
werinayaan cabbudhiska lagu hayo reer Ereteriya. Haddana waxaan la yaabay,
intii aannu wada sheekaysanayney halgamaayasha, mar keliya may soo
hadalqaadin qoysaskoodii. Miyaanay danaynayn? Sidee bay sidan oo dhan ugu
go’een? Miyaanay dhiig iyo dheecaan toona lahayn? Haddana markaannu ka
wada sheekaysanno cadaadiska lagu hayo haweenka, ee aan ka yar fekero sida
qoyskaygu ii cadaadiyey, waan u garaabaa halgamayaasha.
Qorshayaashooda iska may sii sheegi jirin ilaa laga gaadhayo inta fulintiisa wax
yari ka hadhsan tahay. Waa sida cisho uu midi noo keenay saddex hablood oo
da’aaddayda ah. Maan aqoon micnaha ku jira in halgamayaashu ay ciidanka
cusub siiyaan fursad hal habeen ah oo ay la soo beryaan xigtadooda si ay u soo
macasalaameeyaan, dabadeed isu diyaariyaan in ay u ambabaxaan meel cawska
iyo derida la seexanayo. “Ha idin la seexdaan. Waxay u yimaaddeen in ay
dagaalgalaan,” ayaa la igu yidhi. Niyaddayda ayaan iska idhi, “Oo maxay annaga
noola seexanayaan, oo ay adiga kuula seexan waayeen?”
Ilaahay mahaddii Hooyaday way maqnayd. Il iyo baal isu maannaan keenin.
Waxaan arkayey hablihii oo meel ku xeraysanaya dacas, go’yaal, tuwaallada
caadada, keeshaliyo, nigisaan, una qosqoslaya sidii oo ay caruusad malxiisyo u
yihiin. Anigana wayba iga qosliyeen. Sidaas oo ay tahay haddana maan
dhaadsanayn in da’yarta Ereteriyaanka ahi ay ka fekeri karaan in ay sii gataan
alaab ay u malaynayaan in ay u baahan doonaan hadhow furinta markay tagaan.
Waan ka masayray, siiba markay bilaabeen in ay timaha jartaan. “Anna igu dara,”
ayaan idhi. Judhiiba way aqoonsanayeen waxa aan u jeedo.
5
www.aragtixora.wordpress.com
Ugu horrayntii way u qaadan waayeen, waxaanay iga tuugeen in aan magaalada
joogo, haddana way iska kay daayeen markay arkeen in ay iga go’an tahay tegistu
sida ay iyagaba uga go’an tahay.
“Af-kala-qaad weynaa,” mid baa ku gunuustay. “Timahaa ninkaagaad u daban
lahayd. Haddana waa adigaa iska xiiraya si aad dagaal u geshid.” Ilmaa iga soo
daadatay oo ay dhabtayda isku mar ku qubteen timihii jarmayey. Laakiin waxay
ii raacisay, “Ha u bixin. Waxaynu u aasaynaa xirsi-xidh ahaan e.” Efrem wuxuu ii
sheegi jiray in wixii kowaad ee soo jiitay ay ahaayeen timahaygu. Iminkana
walaalkay la iga ma garto.
Markii ay halgamayaashu u yimaaddeen subaxii danbe si ay noo sii kaxeeyaan,
ayay Hooyadayna timi. Waxaan ka khaawisay daldaloollada albaabka. Markii aan
arkay Hooyaday oo madaxa u dedanaysa sidii oo qof ay jeclayd ka dhintay, waan
yaqiinsaday in ay ogaatay in aan baxayo. Halgamayaashu meesha ayay
taagnaayeen, waxaanan arkayey dumarkii deriska oo barooranaya kuna
baryootamaya in aan nala kaxayn. Hooyaday cirkaasay ka barooratay. Iyadoo si
quus ah u haysata dahabkii ay ahayd in aan arooskayga isku taxo, ayay dhulka ku
dhacday. Waan rabey in aan dhankeeda u ordo oo caawiyo, haddana
timahagaygaa i xidhay.
***
Qoysku Saleebaan bay ku canaanteen in uu lahaa sababta aan u baxay. Toban iyo
shan sano ka dib, waan ogahay in taasi tahay waxa ugu danbeeya ee uu rabi lahaa
in lagu soo kaakiciyo.
Xafladda dhexdeeda waxaan arkayey isagoo la hadlaya habarwadaagahay iyo
ilmaabtiyaday. Waxaan maqlayey isagoo leh, “Anigu maan rabin in aan halganka
sida Alganesh bilaa qorshe ku galo. Dabcan waan maqlay in kuwo kale oo
badanina ay baxayeen.”
Wuxuu u muuqday in uu ku faraxsan yahay kuna faanayo in uu guriga iska sii
joogay. Dhankayguu soo jalleecay, wuuna i arkay.
“Algu, yaa ku weheliya?”
“Dhawr halgamayaal ah oo iyaguna qoysaskooda soo eegaa,” ayaan ku jawaabay.
“Maya, waxaan ka wadaa ma guursatay?” Wuxuu i warsaday wax cid kasta oo
kale ka meermeeraysay in ay igula soo dhiirrato.
6
www.aragtixora.wordpress.com
“Maya, maan guursan.”
“Ubad ma yeelatay haddaa?”
“Maya.”
“Markaa maxay ahaayeen baad tidhi halgamayaashani?”
Maan jeclaysan su’aalihiisa. Qaabka aan u hadlayey ayaa taa dareensiinaysey,
balse tiisuu watey. Kaaga daranta, isaga iyo aniguba waannu garanaynaa sababta
uu ii wayddiinayo.
Hooyaday waxay isku dayday in ay dhoolacaddayso. “Iska daa iyadaa mar kale
inoo sheegi e.”
Dadkii baa soo batay, cid kastaana waxay iigu hanbalyaynaysey in aad bedqab ku
soo noqday. Badankoodu waxay igu soo celinayeen intii Saleebaan i wayddiiyay,
ama Hooyaday ayay warsanayeen iyaduna waxay ugu jawaabaysey, “Iyadaa inoo
sheegi doonta mar kale,” marmarka qaarna waxayba ku daraysey, “Haa way
aroosatay e, waxay rabtaa in ay qarsato.”
Waxaan moodayey in lagu kaaftoomi doona in aan soo samatabaxay, halka aan
jaallayaashay badankoodii soo aasnay.
***
Hooyaday, gurigayagii, iyo qoyskayagiiba ma waxaan ka soo doorbiday xeradan
tababbarka militeri ee baylka ah ee biyaha xun? Arrintan dhawr jeer baan naftayda
wayddiiyey intii aan ku guda jirnay maalmihii xerada. Si adag baannu u
dhilannay. Sidoo kale waxaan tebayaa halgamayaashii i soo dhaweeyay. Iniintii
dal-jacayl ee ay igu beereen ayaa u ekaatay in ay ka macaan badan tahay marka la
barbardhigo intii qoyskaygu ii galay, kolka laga yimaaddo farqigayaga.
Bilo kooban oo tababbar ahi wuxuu jidhkaygii debecsanaa ka dhignay qallaf.
Muruqyaan yeeshay, dubkayguna wuu sii madoobaaday. Waxaan kari karey in
aan buurta orod ku fanto orodna kaga soo daadego. Waxaan ku durduriyey
carrada. Cadaadiska lagu hayey reer Ereteriya, gaar ahaan haweenka, ayaa iga
dhigay halgamaa—aad uga fog inantii yarayd ee ka cabsan jirtay in ay bannaanka
u baxdo.
Aakhirkii, xasuustii qoyskayga iyo gaar ahaan hooyaday way iga baabba’day,
marmar ayaanan riyada ku arki jiray. Farxad baan kala badbatay, sidii oo aan mar
7
www.aragtixora.wordpress.com
kale dhashay. Anoo dumar ah in aan dumar la dagaalgalo ayaa i jeclaysiisay
dalkayga. Waan jeclaaday waanan ku dhaadanayaa in aan halgamaa ahaa.
1977, anoo markaa xerada jooga sannad, ayuu ururka EPLF oggolaaday in askartu
aqalgeli karto. Way iga maaadsan jireen, waxaanay la yaabi jireen in aanan
haabkaba ku hayn guur iyo baabkii. Sababtuna may ahayn in aan cidi ii soo
bandhigan guur. Balse waa in aan dhammaantood ka cudurdaartay. Haddana,
mar kasta oo aan maqlo erayada “guur” iyo “ubad”, waxaan xasuustaa heestii aan
ku soo maqlay aroos miyiga ee ku saabsanayd gabadhii ilmaha qaadatay halkay
bunduq ka qaadan lahayd.
“Bunduq way qaadatayoo
U ma baahna haddeerto
Dhiig buuxa butaaca
Dagaalkii way badisoo—
Libaax weeye bidhaanta
Cag-baruurkiisa watoo
Ay ku baacisay caashaq.”
Waan dhoolacaddeeyaa mar kasta oo aan xasuusta dib ugu celiyo hablihii wiilasha
la dhaantaynayey, iyadoo mid kastaa qori sidato, waxaaanan suuraystaa aniga oo
ka mid ah.
***
Fiid buu taliyaha unuggayagu igu amray in aan iska xaadiriyo qaybta. Waxaan u
maleeyay in qof kale halkaa igu sugayo oo uu iga rabo in aannu is guursanno.
“Halgamaa baa adiga ku raaradinayey,” ayuu taliyihii qaybtu igu yidhi cod
naxariis leh oo aan looga baran.
Waxaan ku fekeray, “Oo waa kuma ninkaa gadhka caddaaday lihi?” Wuxuu
yidhi, “Alguyeey.” Waxaan arkay ilkaha madoobaaday. Wuxuu ku beelay mar
aannu legdamaynay si uu ii badbaadiyo. Waa Efrem.
Hadal buu qabsaday. “Taliyahaagu wuxuu ii sheegay in aan tahay halgamaa
caqiibo leh, arday wanaagsan, iyo qofka ugu yaqaan tolista bushqadaha rasaasta.
Sidoo kalana naxariis badan.”
Wax aan idhaahdo ayaa igu dhacay. “Maan ogayn meel aan jirtay. Waxaan kuu
tolayaa bushqadda rasaasta nooc aanay cidina haysan. Waxaan ka sameeyaa
8
www.aragtixora.wordpress.com
buudhka askarta dhimata.” Bastooladda uu sitay ayaa ii muujinaysey in uu
isaguna taliye yahay.
“Maad illaawin wixii Hooyadaa ku bartay,” ayuu si yara qarriban u yidhi.
“Intiiba waan ku celcelinayey. Waxaan hadhaaga la tuuray askarta uga
samaynayey dhar.”
“Ma xasuusataa sida loo sameeyo go’yaashii aad arooskeenna u samaynaysey oo
kale?”
Hadalladan dul-ka-xaadiska ah maan sii wadi karin. “Xabsigii sidee uga soo
baxday?” Maxaad iigu sheegi weyday in aad u tegtay jabhadda EPLF?”
“Maan rabin in aan isku dayo in aan soo wada noqdo anigoon adiga ku arkin.
Waxa se laga yaabaa in aad i illawday oo aad heshay…”
“Maxaad ka waddaa? Halkan guur kaga ma sheekayn karo.”
“Oo wax xidhiidh ah ku ma jirtidba?”
“Maya.”
“Runta ii sheeg.”
“Cidna. Waxaan ku dhaaranayaa shuhadada. Ha ka yaabin.”
Wuxuu u ekaaday in uu faraxsan yahay, wuu kala degay, hadalkiisii wada
su’aalaha ahaana wuu joogsaday. “Warkaaga waan maqlay. Sidii aad ku soo
baxday. Meelaha aad tagtay. Aad baan ugu dedaalay in aan ku soo helo. Xataa
iminka magacyo kale ayaynu wadannaa. Anigu waxaan ahay Wedi’smera.
Adiguna Segen.” Gacantiisa ayuu garabkayga taabsiiyay.
“Waan kuu sheegay. Jacayl iyo guur iyo baddaa ma geli karo…iminka.”
“Yaa maskaxda kaa beddelay? Jacaylku sidee buu kaaga xannibi karaa in aad
halgamaa noqotid?”
“Dhibihii oo dhan baa ii muuqda. Dadkii wuu kala go’ay. Qofku lammaanihiisa
sannadkiiba mar buu arkaa. Waxaasi ma…”
“Innagu way ka duwanaan karnaa. Waynu madaxbannaanaan karnaa. Intaynu
wada noolaanno ayaynu ubad wada yeelan karnaa.”
“Ma sidaa fudud? Wallaa? Waad igu dheeldheelaysaa.”
9
www.aragtixora.wordpress.com
“Miyaanay halgamaayasha kale ee kula midka ahiba halkan ku ummulin?”
“Haa. Laakiin ubadkooda waxay kaga tagaan Qaybta 17aad. La maan kulmin
gabadh aan iska ciilkaanbiyayn.”
“Halgankii baa ku beddelay, Algu. Adayg baad noqotay.”
Markii uu sii tegayay ayaannu labo fidhin is weydaarsannay. Shanladaydu way
ka wanaagsanayd tiisa, magacaygaana ku xardhanaa, balse Efrem in uu haysto
ayaan rabey. Wuxuu igu adkeeyay in aan dhanbaallo u soo qoro oo aan in badan
ka fekero xidhiidhkayaga. Taa beddelkeeda, waxaan u tolay bushqadda rasaasta
oo kooban oo intaan xoogay rasaas ahna u raaciyey ayaan u diray.
Muddo yar ka dib waxa i soo ritay tayfoodh. Toddobaadka aan ku soo laabanayey
qaybtayada, waxa ka jiray ku dhawaad 80 halgamaa oo is aroosanaya
xafladdoodii. Anigu waxa u maan jeedin. Meeshaba lammaanayaasha qaarkood
ka ma soo qaybgeli doonaan, oo waan ogaa sababtana—dagaal bay ku dhinteen.
Haddana, marka nafsaddayda laga yimaaddo, munaasibaddu way iga farxisay.
Waxaan jeclaystay hadallada, kaftanka, cabbitaanka habeenkii nus la wadayo, iyo
caruusiinta cusub in loo tumo. Awooddaydii bay dib iigu soo celisay, oo waanba
ka masayray.
Waxaan goostay in aan dalbado in aan Efrem arko. Taasi igu may adkayn. Waayo
labadayada qaybood jaar bay ahayaeen. Markaan gaadhay qaybtiisii, halgamaagii
i soo dhaweeyay wuxuu igu wareejiyay haweenay halgamaa ahayd wax buuna
dhegta u saaray. Aniga iyo haweenaydii waxaanu isu bariidinnay oo shafka isu
gelinnay sidii in ay i taqaan. Intay surin dhaadhac ah i geysay, oo meel baydhsan
salli ii dhigtay, ayay igu tidhi, “Rasaastaada iska dhigo.” Soodhawaynteeda ayaa
shiddadii iga dul fududaysay. Waxay u dhaqmaysey sidiiyoo ay muddo halkan
ku qornayd oo ay la qabsatay jabaqda aan joogsanayn ee artilariga. Waxay ishu
igaga dhacday wax meel ka soo lusha, ka dibna waan muusooday. Way dareentay,
balse way iska baxday. Waxaan si qunyar ah u tiigsaday jaakad iyo bushqadda
rasaasta ee aan aqoonsaday. Intii aan sugayey Efrem, waxaan la soo baxay
warqaddii uu cisbitaalka iigu soo diray. Waan akhriyey daba ilaa dacal, sida aan
marar door ah oo danbaba ka yeelay, gaar ahaan waxaan ku soo celceliyey qaybta
uu igu baryayo in aan u soo jawaabo. Waan sii diyaarsaday wixii aan ku odhan
lahaa, afkuna wuu i hud’hudayaa.
Balse cidiba ii may iman. Walaa haweenaydii, walaa Efrem. Werwer baan ka
qaaday markaan ka fekeray sababta uu halgamaa u bixi karo isagoon sidan
10
www.aragtixora.wordpress.com
jaakaddiisii iyo rasaastiisii. Wadnahaygu wuxuu bilaabay in uu garaaco oo
sameeyo jabaq ka daran midda artilariga debadda ka guuxayaa samaynayo. Ugu
danbayn haweenaydii baa soo laabatay. Tolow ma waxay moodday in aan
gam’ay? Wax hadal ah waxay i tidhi, “Waa inoo berry,” ka dibna intay jaakaddii
qaadatay ayay illinka boobtay.
Habeenno dhaadheer oo badan ayaa intii halganka i soo maray, balse weli maan
arag habeen midkan ka dheer. Maan neefsan karin. Maan seexan karin. Indhahaa
i holcay. Maskaxdaa i fooftagtay.
Bushqadda rasaasta waxa ku jiray xabbad ay ku dulqoran tahay, “dhimashada oo
keliya ayaa ina kala kaxayn karta”; gadhfeedhii aan siiyey; iyo xasuusqorkiisii oo
aan 40 cisho waxba lagu qorin.
***
Waxaan rabey in aan iska tago, balse sidee? Ciidankii cadawga ayaa meel kasta
daadsan. Anigoo baralaati ah baan toosay, dhufayskiina intaan dirqi kaga soo
baxay ayaan u imi taliyihii qaybtayada. Waxaan filayey in uu wax iga wayddiiyo
safarkii, balse waxba muu odhan. Miyaanu raadyawga ka maqal in aan soo
laabtay? Miyaanu is wayddiinayn sababta aan degdegga ugu soo laabtay aniga oo
aan fasax iska soo horraysiin?
Waaxdii caafimaadka ayaa timi, taliyihiina magacayga ayuu yeedhiyey. Waxaan
ka fekeray in uu i moodayo in aan guursaday, oo uu dabadeed iga waraysan
doono caadadii in aan helay.
Anigoo cagajiidaya ayaan xaggiisii soo abbaaray.
“Haye, sidee fasaxaagii ahaa?”
“Heersare.”
Wuxuu igu amray in aan cisbitalka tago, oo la eego in aan ka bogsaday
tayfoodhkii. Balse waxaan u sheegay in aan roonaaday, oo aanan u baahnayn in
aan aado. Waxaan rabey in aan fasaxayga dhammaysto, manaan kala jeclayn
meesha aan ku qaadanayo.
Waxaan ku lug darsaday tiro askartayadii ah oo gaadhi xammuul ah raraysa, oo
habeenkii oo dhan ayaanu sii guuraynayney. Maalintii baan joogsannay, oo
baabuurka dhir iyo caleemo ku dednay si aanay dayuuradaha cadawgu u arkin.
Cadceed-dhicii markay ahayd ayuu dirawalkii ku leexiyey dhanka webiga, si uu
11
www.aragtixora.wordpress.com
muraayadaha u dhaqo. Waannu raacnay. Baabuur yaryar iyo gawaadhi xammuul
ah ayaa webiga jiinkiisa tuban, oo ay la socdaan halgamayaal aagag kala geddisan
ka yimi, oo badidoodu dhaawacan yihiin. Waan ku dhaygagay. Dabadeed isagii
baan arkay.
“Efrem, ma adigii baa?” ayaan ku qayliyey.
“Algu. Maxaad halkan ka qabanaysaa?”
“Buqshaddaadii
fidhinkaagii?”
rasaasta
yaad
iska
siisay?
Xasuusqorkaagii
iyo
xataa
“Buqshaddii waxaan kaga imi sarkaalkayga, kiisiina waan sii qaatay.
Xasuusqorkayga waxa ka dhignaa labo bog oo keli ah. Shanladaadiina maan soo
qaadan, waayo maan rabin in ay iga lunto. Alguyeey, ii maad soo jawaabin.
Hawlgelisadii aan la socday ayaa uuraysatay, oo…”
“Oo ma naag baad uuraysay?” ayaan ku muusannaabay.
“Waxay rabtey in aan guursado.”
“Oo waad guursatayba?” ayaan ku sii sayaxay. Manaan kala jeclayn cid i
maqlaysa.
Intuu indhaha igu gubay, ayuu i yidhi, “halkan ma sii joogi karo,” ka dibna intuu
jeestay ayuu iska tegay.
***
Iminkana waa anigaa mar kale Saleebaan arkaya. Toban iyo shan sano ka dib.
Jaallayaashaydii godgalay? Xeradii? Waan soo laabtay. Haa, waan guursaday.
Waxaan guursaday dalkayga. Ubadna waan dhalay. Oo waxaan dhalay
calankiisa.
12
Download