Taariikhda Urur Diimeedyada ka jira/ray Soomaaliya 1) Suufiya: - Qaadiriya - Axmidiya - Saalixiya iyo - Rufaaciya 2) Xarakaar - Al-nahda - Al-itixaad - Al-ictisaam - Al-islaax - Al-damu Jadiid - Al-tabliiq - Aala Sheekh ama Mujmac - Al takthiir - Wahaabiyo, - Al shabaab, - Daacish, - Asadicuun Bil xaq - Waxdah - Al-Ahal, 1 Tixraac: Xigasho: 1. https://wajibad.wordpress.com/2015/07/09/silsilada-taariikhda-ururadadiiniga-ah-ee-soomaliya-hordhaca/ 2. Cali cabdi coomay, calicoomay@hotmail.com, Suxufi, qoraa ah. B.A in journalism, Hargaysa, Somaliland. 3. https://www.bbc.com/somali/news/story/2008/04/080421_faallada_tablih 4. Prof. Yaxye Sheekh Caamir 5. Mohamed Khayre, Mkhayre72@gmail.com 2 Hordhac: Diinta Islaamku waa mid, kitaabkeenu waa mid, nabigeenu (scw) waa mid, qibladeenu waa mid. Mar walba oo loo kala baxo kooxo, ururo iyo dariiqooyin leh magacyo kala duwan -haba qurux badnaadaan magacyadaase- waxaa ka dhasha is naceyb, isku dhabar-jeedin iyo mararka qaarkood is-gaaleysiin iyo gacanta oo la iskula tago. Sababaha keena in ay ururro diimeed samaysmaan: Hadaad u fiirsataan taariikhda aan ka sheekeyn doono, waxaad arki doontaan in xubnaha ururada Islaamiga sheegta ee hogaamiyay ama madaxda sar-sare ka noqday ururadaas ay u qeybsamaan laba midood: 1. Nin qaba cudurka jaceylka kursiga iyo madaxtinimada ka hoosaysa, ama jaceylka maalka aduunka, oo markuu arkay in wadooyinka kale ee kursiga iyo maalka lagu raadiyo ay dheeryihiin ka door biday inuu adeegsado wadada diinta Islaamka si uu madaxtinimo ku gaaro. Madaxweynihii hore Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu madax u ahaa urur loo yaqaanay Majmac, Soomaaliduna ku naaneysto Aala-Shiikh. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxa uu ka mid ahaa urur kale oo ka ag-dhow kii Sh. Shariif, laguna magacaabo Damul-Jadiid (Dhiiga Cusub) oo kasoo farcamay Al-Islaax. Sh. Shariif wuxu gaaray heer uu inkiro inuu ka mid ahaan jiray dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya si uu kalsooni uga helo Maraykanka, 2. Kooxda labaad waa nin ciil qaba oo ama la xiray, ama jago uu hayay laga qaaday, ama xoolo uu lahaa lagala wareegay, ama baasaboor laga qaaday, ama dhalasho ahaan loo liiday. Kooxdaan iyada ah waa kooxda ugu xag jirsan uguna gumaadka badan inta ka been sheegta Jihaadka Islaamiga ah. 1) Waxaa tusaale noogu filan ragaas Sayid Qudub (Rabi ha u naxariiste) oo ah aabaha ciil-qabayaasha, oo markii uu xiray Jamaal C/nasir kuna ciqaabay xabsiga dhexdiisa, inta uu fakaray yiri, horta maxaa laguu ciqaabayaa? Sow Ilaahey dartiis maaha? Kuwa i ciqaabaya waa gaalo! Shacabku maxay u aamusan yihiin oo uga hadli waayeen ciqaabta Rabi dartiis naloogu geysanayo? Hadaba iyaguna waa gaalo oo waxay ku raali noqdeen dowladda gaalada ah ee na 3 ciqaabaysa! Waana meesha ay kasoo bilaabatay in dowladaha iyo shucuubta ku hoos nool la gaalaysiiyo. 2) Waxa kaloo la mid ah Ayman A-Dawaahiri oo muddo badan xabsiyada Masar ku jiray oo isna markuu soo baxay bilaabay aargoosi. 3) Waxa sadexeeya Usama Bin Ladin (Rabi ha u naxariste) oo isku arkay nin waqtigisii iyo maalkiisii u huray Jihaadkii Afganistan oo uu ka ahaa wakiilka dunida Carabta ee Jihaadkaas, lakin markii Ruushku jabay, Mujaahidinti Afgaanistana ay xabadda isku jeediyeen, dib ugu soo laabtay Khalijka Carabta, lakin markii uu ka waayay soo dhaweyntii uu filayay, inta uu fariisin ka dhigtay Suudaan aasaasay ururkisii Al-Qaacida kadibna iskugu yeeray dhalinyardii Carbeed ee Afganistan kasoo noqotay, si uu ula diriro wadamada Carabta. Wadaaddadii ka qoomameeyay urur ay sameeyeen dartiis Waxaa la sheegaa Sh. Xasan Al-Banaa Rabi ha u naxariistee oo ahaa aasaasihii ururkii ugu horeeyay taariikhda Islaamka ee Ikhwaan Muslimiin inuu ka qoomameeyay markuu dhiman rabay abuuritaankii ururkaas, kadib markuu ogaaday urur dhalinyaro qarsoodi ah oo ka dhex sameysmay ururkiisii, kadibna bilaabay falal gacan ka hadal ah, qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay geysteen, taasoo sabab u noqotay in Sh. Xasan Al-Bana naftiisa uu ku waayo aargoosi looga aargudayay fal dil ah oo ardaydiisu ay u geysteen Ra’isal Wasaarihii Masar ee xiligaas. Maxaa ka dhacay wadanka Aljeeriya 1992. Waxa qoran, in wiil sheeganayay inuu yahay Mujaahid uu maalin galinkeedii hore nafta ka jaray aabihiis, galinkii dambana uu aakhiro u diray hooyadiis, isagoo ku eedeeyay inay gabar walaashiis ah u guuriyeen nin askari ah oo soo doontay. Markii ay daaleen ururadii Jihaadka sheeganayay si fudud bay ku cudur daarteen hubkiina u dhigeen, waxaana hada Aljeeriya maamula madaxweynihii ay dagaalka ku qaadeen labaatan sanno ka hor. Wadankeena Soomaaliya waxaa ka qoomameeyay wixi uu sameeyay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo ahaa aasaasihii ururka Al-Ahal, kadibna noqday Amiirka ururka Takfiirka, hadana ku nool magaalada Gaalkacyo markii iigu dambeysay. Nin la kulmay ayaa ii sheegay inuu ka baxay Takfiirkii, uuna hada aamin san yahay inay qalad aheyd, wixii lasoo sameeyay oo ahaa sameynta ururada Islaamiga ah. 4 Waxaa kale oo lagu dilay magaalada Boosaaso Desember 05, 2011 Dr. Axmed Xaji C/raxman Rabi ha u naxariistee, oo ka mid ahaa odayaasha ururka Al-Ictisaam (ExItixaad) waxaana dilay sida muuqata mid ka mid ah ardaydii ururkiisa, kadib markii ay u arkeen in Shiikhu uu ka leexday wadadii toosneyd. Diinta Islaamka Iyo Soomalida Keebaa Horeeyay: Diinta Islaamku waqtigii ay soo gaartay dhulka Somalida, waxa ka taagan dood maadaama Soomalidu aysan waxba qori jirin intii ka horaysay 1972dii, mana la helayo qoraal Carabi ah oo cadaynaya waqtigii ay soo gaartay diinta Islaamku Soomaaliya. Waxaase jira cadaymo iyo taariikh hore oo sheegaysa in waqti hore ay soo gaartay diinta Islaamku ama la oran karo jiritaanka Soomaaliduba wuxuu la bilawday imaatinkii diinta Islaamka, oo Soomalida maanta jirtaa waa mirihii ka dhashay Carabtii muslimka aheyd ee dalka timid iyo Afrikaankii madoobaa oo loogu yimid. Waxa kaloo la ogsoon yahay in aysan diintu kusoo gaarin Somaliya qaab Jihaad ah ee ay ku timid qaab ganacsi iyo is dhex gal. Sababtoo ah haddii ay qaab Jihaad kusoo gali laheyd diintu, waxaa ka dhalan laheyd in lagu maamulo Soomaalida shareecadda Islaamka, markaasna waxa muuqan lahaa raad ay ku reebtay ku dhaqankii shareecadu. Waxaa la sheegaa in Soomaaliya qaarkeed ay hoos tagi jirtay maamulkii khaliifadii Cismaaniyiinta ee Turki ka dhisneyd, oo wakiilkoodii Cumaan uu ka talin jiray xeebaha Somaliya. Waxana xarun matasha uu ku lahaa wakiilkaas jasiiradda Zanzibaar ee xeebaha Tanzaniya. Aragtiyada ku saabsan qaabkii uu Islaamku ku soo gaaray Somaliya: Waxa jirta laba aragtiyood ee qeexaysa qaabkii Islaamku kusoo gaaray Somaliya: 1. Midi waa waqtigii uu Nabi Max’ed NNKHA joogay Makka intii uusan u hijroon Madina. 5 Markii lagu dhibay Makka ayuu asxaabtiisa qaarkeed usoo diray dhulka Xabasha oo Harar ay ka mid ahayd. Waxana halkaas soo gaaray Asxaab uu hogaaminayo nabiga ina adeerkiis Jacfar Bin Abii Daalib. Asxaabtaas oo mudo joogtay dhulkaas waxay Islaamiyeen dadkii halkaas daganaa, waxana dhici karta inay halkaas naga soo gaartay diintu iyadoo nabad ah. Waxa jira warar sheegaya in Jacfar Bin Abi Daalib iyo asaxaabtii la socotay ay doon uga soo dageen magaaladda Saylac oo hada ka tirsan dhulka Soomaaliya, oo waagaas laga xukumi jiray Harar. 2. Mida labaad waa in dadka Soomalida ah iyo diinta Islaamkuba ay isku mar soo galeen dhulka Somalida ee maanta la yaqaano. Waxana la sheegaa in dhulkaan ay daganaayeen dadka loo yaqaan Bantu ee u eg dadka Afrikaanka ah badankiis, sida inay lahaayeen san weyn iyo timo adag. Somalida oo asalkeedi Carab ka timidna ay ku milmeen dadkaas. Inta badan dadka Bantu-ga ah waxaa loo durkiyay dhanka Koonfurta ilaa la gaarsiiyay xuduuda Kenya. Midabka dadka Somalida ah oo ka duwan kan Afrikaankana wuxu u muuqdaa intiisa badan isku dar Carab iyo Afrikaan mid ay iska dhaleen. Nin bad-mareen ah oo lagu magacaabo Yakhut Al-Xanawi oo booqasho ku yimid Muqdisho qarni hore, qoraal uu ka tagay wuxu ku sheegay dadkii uu Muqdisho ku arkay inay u kala qaybsanaayeen saddex qaybood. 1. Dad Bantu Jareer ah, 2. Dad Carab ah, 3. Dad Soomaali ah oo u dhexeeya labadaas midab ahaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa la isku raacsan yahay in diinta Islaamku ay soo gaartay Soomaaliya mudo hore. 6 Dariiqooyinka Suufiyada: Mudo aan sidaas u fogeyn waxa dhulka Soomaaliya soo gaaray dariiqooyin Suufiya ah oo nooga yimid dalalka Ciraaq iyo Masar. Waxa ugu waaweynaa dariiqooyinkaas saddexda soo socota oo u kala weynaa sida ay u kala horeeyaan. 1. Dariiqada ugu waynayd: waxay ahayd Qaadiriya oo laba garab usii kala qaybsanayd. Uwaysiya oo ku abtirsata Sh. Uweys Al-Qaadiri, iyo Sayliciya oo ku abtirsata Sh. C/raxman A-Saylici. Samatariya Rabiiciya 2. Dariiqada labaad waa Axmadiya oo ku abtirsata ama uu bilaabay Sh. Cali Maye oo reer Marka ahaa. 3. Dariiqada saddexaadna waa Saalixiya oo la sheego inay Somaliya kasoo gashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq. Waxaana Soomaaliya usoo talaabiyay Mahdigii Suudaan iyo Shiikhii Makka waqtigii khaliifadii Cismaaniyiinta fadhiyi jiray. Waana dariiqadii uu qaatay Sayid Max’ed Cabdule Xasan, isagoo ku dayanayay Mahadigii Suudaan ee xili hore dagaal la galay gumeysigii Ingiriiska. 7 Waxa la sheegaa dariiqooyin yar yar oo kale oo aan wax kasoo qaad lahayn Inkastoo dariiqooyinkaas ay ka qeyb qaateen fidintii diinta, hadana waxay lahaayeen habacsanaan wayn oo khalkhal galisay cibaadada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka, oo ay iyagu soo kordhiyeen. Culumadii Axkaamleyduna ma yeelan awood ay ku saxaan qaladaadkii ay soo kordhiyeen dariiqooyinka Suufiyadu. Waxay soo kordhiyeen Suufiyadu khuraafaad iyo bidcooyin fara badan. Tusaale ahaan Dariiqooyinku waxay aamin sanaayeen in qabuuraha dadka dhintay ee Saalixiinta ah la baryi karo ama loo sii maro baryada Rabi, oo Rabi kaligiis aan la baryi karin haddii aadan soo marin Awliyada. Culumada dariiqooyinka qaarkood waxay tusaale ka dhigan jireen in madaxweynaha dalka aadan u gali karin ilaa aad sii marto wasiiradiisa iyo lataliyayaashisa. Waana arin khatar ah oo qofka gaarsiin karta Shirki lagu cadaabo abidkiis, haddii uusan ka toobad keenin. Waxa kale oo si wayn ay ugu dhaqmi jireen dariiqooyinku bidcooyin ay cibaado ka dhigteen oo Nabi Max’ed iyo Asxaabtiisii gadaashood la keenay. Waxay kaloo si buuxda u qaateen dariiqooyinku fikradda ah in la kala saaro Diinta iyo dowladda. Oo aan lagu maamulin shacabka shareecada Islaamka. Fikradaan oo ay dajiyeen shucuubta Kirishtaanka ah markii ay u adkaysan waayeen khiyaanada iyo cadaalad darada Kaniisada Kirishtaanku ay ku dhaqi jirtay shacabkeeda, ayaa lagu qasbay oo loo tababaray Muslimiintii ay gumaysan jireen reer Galbeedku, intii aan la siin xornimada. Mana la sheegin inta aan ka warqabo culumada Suufiyada oo ku wacdiyay dadka in kitaabka Quraanku uu yahay dastuur dalka iyo dadka in lagu dhaqo ay waajib tahay. Dhaqanka noocaas ahi wuxu keenay in Diinta Islaamku ay ka noqoto Somaliya mid ku ekaata Masaajidda iyo qabuuraha oo kaliya, oo aan u soo gudbin guryaha, iskoolada, jaamacadaha iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale bulshada dabaqadaheeda marka la fiiriyo diinta waxa lagu yaqaanay odayaasha waawayn oo kaliya, mana aysan jirin dhalinyaro iyo dumar ku dhaqma diinta. 8 Culumadda Dariiqooyinku waxay ka waliimaysan jirteen guryaha tujaarta iyo madaxda, mana aysan ku wacyi galin jirin in guryahaas lagu dhaqo diinta oo la xijaabo dumarka guryahaas jooga. Kaliya waxay ka cuni jireen bariis, hilib, bun, iyo cambuulo. Cabitaana caano, shah iyo qaxwe ayaa u ahaa. Dhanka dhalinyarada Xerta ah iyo kuwa ka baxa iskoolada Carabiga ee dariiqooyinka marka ay shaqooyin ka helaan dowladda, ama qaarkood loo diro waxbarasho dibadaha ah sida Ruushka iyo Talyaaniga, waxay soo noqon jireen iyagoo diintii ka faanaya, oo u arkaya in diinta uu leeyahay wadaadka waliimaysta oo kaliya, qofkii raacana uu yahay mid ka haray horumarka bulashada aduunku gaartay. Kuwa ka soo laabta Ruushka qamrada ay soo bartaan waxa u wehlin jiray inay noqdaan Shuuciyo oo diinta oo dhanba inkira. Kuwa ka soo laabta Talyaanigana qamro iyo dhilaysi ayay ku caanbixi jireen. Hadiiba ardadii dariiqooyinku ay sidaas noqdeen, ardada kale ee dugsiyada maadiga ah ka baxda, way la mid ahaayeen ama way kasii fogaayeen xaga dhumitaanka diinta iyo akhlaaqda. Hadiiba ay jiraan dhalinyaro wadaado ah oo ku dhaqma diinta Islaamka, waa lala yaabi jiray. Halhayska Somaliduna wuxu ahaa 40 jir ayaa lagu toobad keena oo masaajida lagu galaa. Dumarka Somalida waxa ceeb ku ahayd gabar timaha daboolata, waxana la oran jiray gabadhii timaha dadata “malagu guursaday.?!” 9 Qilaafka iyo Cadaawadda u dhexeysay dariiqooyinka Suufiyadda Dhalinyarada la baxday baraaruga Islaamka, Soomaaliduna u taqaano Ikhwaan, Suufiyaduna u taqaano Bidco, waxay mareen wadadii ay mareen dariiqooyinka Suufiyada oo waxay la kala baxeen magacyo, waxayna kala sameysteen amiiro iyo madax dhalanteed ah oo markii dambe gaarsiisay inay is-gaalaysiiyaan oo dhiigooda baneystaan dhexdooda. Bal aan aragno sida ay iskugu egyihiin ururada Islaamka iyo Dariiqooyinka Suufiyada Islaamka. Dariiqooyinka Suufiyada Soomaalida oo sidaan soo sheegnay u kala baxa saddex ilaa afar waaweyn, waxay bilaabeen inay is nacaan, salaanta iska qaadi waayaan, masaajidoodana aysan ku wada tukan, maadaama lagu tartamayo in la kala badsado macaamiisha biilka laga helo. Dariiqooyinka Axmadiyo iyo Saalixiyo way is xigsadeen oo way iskaga dhawaayeen dariiqada Qaadiriyada, waayo labadoodu waxay ku abtirsadaan Sh. Axmed Bin Idiris. Laakiin markay waayaan Qaadiriyo labadooda ayaa is colaadiya. Sidoo kale labada dariiqo ee Qaadiriyada Aweysiyo iyo Sayliciyo marka ay kaligood yihiin way is colaadiyaan. Dariiqada Qaadiriyadu waxay aaminsan tahay, haddii ay dilaan hal qof oo Saalixiyo ah inay helayaan ajarka sidii iyagoo dilay kun nin oo gaalo ah. Sidaasna waxay ku qoran tahay kitaabkooda Nasrul Muuminiin ee uu qoray Sh. C/lahi 10 Qudubi A-Saylici oo ah shiikha dhisay masaajidka weyn ee ku yaala degmada Xamarweyne ee la yiraahdo Maqaamka ama Masjid Sh. C/qaadir. Qofkii raba wuxu ka fiirin karaa kitaabkaas, cinwaanka ah “A-SIKIIN A-DAABIXA CALAL-KILAAB A-NAABIXA” oo macnaheedu yahay “mididii lagu gowracayay eeyaha ciyaya” oo uu ula jeedo dariiqada Saalixiyada. Waxaa hada nool dadkii soo gaaray dhacdooyinkii magaalada Xamar ka dhacay in dariiqada Qaadiriyadu ay u diiday dariiqada Axmadiyo inay calan ka taagato masaajidooda magaalada Muqdisho, iyagoo u cuskaday inay uga soo horeeyeen aysana u ogolaan doonin inay calan taagtaan Muqdisho, ilaa ay meelaha qaarkood gaartay gacan ka hadal. Laakiin colaadii noocaas aheyd way yaraatay bartamihii lixdameeyadii, kadib markii wadanka Soomaaliya ay soo gaartay dacwada baraaruga dib-ugu-noqoshada shareecada Islaamka ama Ikhwaan Muslimiinka Soomaalidu u taqaano. Awoodii dariiqooyinku waxay bilowday inay shiiqdo, maadaama ay dalka dib ugu soo noqdeen dhalinyaro wax soo baratay, oo bilaabay casharo, quraan aqris iyo dacwo bilaash ah, iyagoo aan rabin inay guryaha ka waliimaystaan. Dadka Soomaalida oo waxbixinta ku liita, una bixin jiray raashinka cabsi ay ka cabsanayaan habaarka culumada dariiqooyinka ama barako ay ka rajaynayaan culumadaas sababtood, markii ay arkeen culumo aan xoolo ka rabin waxay bilaabeen inay usoo wareegaan dhanka kale, taasoo keentay in dariiqooyinkii ay u midoobaan cadowga cusub oo ka kaxeystay dadkoodii. 11 Baraarugii Diinta Islaamka Ee Soomaliya Iyadoo noloshu ay sidaas tahay, ayaa waxa bilowday safaro ardaydu ay u aadaan wadamada Carabta si ay usoo kororsadaan cilmiga diinta iyo luqadda Carabiga. Ardadii safartay sanadihii kontameeyadii waxa ka mid ahaa: Shariif Cabdi-Nuur, Sh. Max’ed Macalim, Sh. Ibraahim Suuleey, Sh. Nuur Cali Colow iyo Sh. Max’ed Garyare oo ku biiray jaamacadaha Islaamiga ah ee Sucuudiga iyo Masar. Waxa la sheegaa in culumadaan qaarkood ay dhulka mareen, sidaasna ay ku tageen Sucuudiga iyo Masar oo xiriir fiican la laheyd xiligaas Soomaalida xornimodoonka aheyd. Sidoo kale wadanka Suudaan waxa aaday arday fara badan waxbarasho nooc walba lehna u raadsaday. Taasi waxay keentay in waxbadan la fahmo iyo in kutub badan oo aan horay u oolin Somaliya lasoo galiyo. Cilmigii iyo cibaadadiiba kor ayay u kaceen. Culumadii kasoo noqotay dibada waxay camireen masaajidii firaaqada ahaan jirtay, waxayna kasoo buuxiyeen dhalinyaro iyo dumar farabadan. Odayaashii Dariiqooyinka Suufiyadana waaga ayaa ku baryay oo waxay u muuqdeen niman saldanadoodii diinta lala qaybsaday, waxayna bilaabeen qaylo dhaan iyo dacaayad ay uga hortagayaan dhalinyarada dibadaha kasoo laabatay. Waxayna shacabkii iyo dowladiiba u sheegeen in diin cusub dalka lasoo galiyay, laakin taasi ma hakin xowligii baraaruga dhalinyarada ee diinta Islaamka. Culumada dibada kasoo laabatay hal cilad oo ilaa iyo maanta xal loo waayay ayay dalka soo galiyeen, waana ciladda aan darteed buugan u qorayo. Waa cilada 12 ururada Diinta. Waa cilad abuurtay kooxaysi xisbiyo diimeed iyo tartan ku dhisan xukun raadis, oo urur walba uu u xusul duubayo inuu isagu noqdo ururka diinta Islaamka ku xukumaya dalka. Haddii ururka kale uu uga hormaro kursiga xukunka Soomaliyana waxa muuqata inaysan ururada kale ogolaan doonin, xataa haddii ururka kursiga fuulay uu kitaabka Quraanka wax ku xukumayo. Halkasna waxa kasoo baxay in ujeedada dhabta ah ee ururada Islaamiga ah ay tahay kursi ee aysan raadinayn ku dhaqanka shareecada Islaamka. 13 Xarakaatka Islaamiga ah ah 1) NAHDA Ururkii Ugu Horeeyay Somaliya: NAHDA Waxaa la sheegaa in ururkii ugu horeeyay Soomaaliya la dhisay sanadihii lixdameeyadii, inkastoo uusan hanaqaadin ururkaas. Ma helin qof iiga sheekeeya sababta uu u hanaqaadi waayay, waxayse u muuqataa laba arimood midood in ragga dhisay ururkaas aysan aheyn dhalinyaro ee ay ahaayeen rag gar-madow ah, lahaana caqli ku filan oo ka hor-istaagay inay sii wadaan ururkaas, iyagoo istusay inaan waqtigaas la joogin waqtigii la sameyn lahaa ururkaas. Sababta labaad waxan isleeyahay ragaas waxay ahaayeen culumo badankood kasoo laabtay waxbarasho dibadeed, oo inkastoo ay dalka soo galiyeen fikirka ururada, lagana dab-qaatay talaabadaas ay ururka ku sameeyeen, qaarkoodna ay markii dambe hormuud ka noqdeen ururada gadaal ka dhismi doona, hadana waqtigaas waxay go’aansadeen inaysan sii wadin ururkaas. Magaca ururkaas waxaa la oran jiray Al-Nahda waxaana aasaasay Sh. Max’ed Macalim, Sh. C/qani, iyo Sh. Max’ed Garyare oo isagu noqon doona 14 hogaamiyaha ururka Al-Islaax oo la dhisi doono sannadka 1978. Ragaan culumada ah waxay go’aan ku gaareen in ururkooda cusub ay marka hore saldhig uga dhigaan rag waaweyn oo culumo ah oo aysan ku degdegin dhalinyarada, waxayna u muuqdeen rag tixgalin siinaya dhacdooyinkii Masar iyo ururka Ikhwaanka wixi ku dhacay, maadaama dhalinyaro badan oo laga soo buuxiyay ururkaas ay qaadeen talaabooyin qaldan. Laakin, xaqiiqada waqtigaas taalay Soomaaliya waxay aheyd inaysan jirin dadka ay raadinayeen inay kusoo daraan ururkooda, taasina waxay noqotay sababta saddexaad ee ka hor istaagtay inay sii wadaan ururkaas, isla markiina meeshiisa ayuu ku baaba’ay. Waxaa xusid mudan in culumadaani aysan dhanka dowladda kala kulmin wax diidmo iyo hor-istaag ah, maadaama xiliga ururkoodu uu ku beegnaa xiligii dowladdii rayidka oo waxayba awood u lahaayeen in ururkooda ay ka diiwaangaliyaan dalka oo markaas ay ka jireen xisbiyo dimuqraadi ah. 2) Ururka Al-islaax Ururka Al-islaax waxa la aasaasay sannadkii 1978 bishii julaay. Dhinaca fikirka iyo mabaadiida waxay aad ugu dhaw yihiin ikhwaanu muslimiinta adduunka. Waxay xidhiidh toos ah la leeyihiin ikhwaanu muslimiinta ku xoogan dalka masar. Sh. Max’ed Ahmed Gadhyare ayaa noqday guddoomiyihii ugu horeeeyey ee Al-islaax ee geeska afrika, waxaanu Sh. Gadhyare hore uga tirsanaa ikhwaanu muslimiinta caalamiga ah. Sida uu dhigayo sharciga Al-islaax mudada xil hayntu waxay ahayd laba jeer oo min shan sano ahayd. Ururku wuxuu ku gacan saydhay dalbayo uga yimid jabhadihii hubaysnaa ee dagaalka kula jiray dawladii Max’ed siyaad barre, waxaana la soo xidhiidhay jabhadaha kala ahaa: USC, SPM iyo SNM oo dhammaantood doonayey inay gacan weyn ka helaan. Sannadkii 1989 ayuu ururka Al-islaax soo saaray baaqa uu kaga codsanayo Max’ed siyaad barre inuu xilka ka dego, haddii kale uu dalku geli doono dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daato. Sanndkii 1990 ayuu hogaamiyihii ururka Al-islaax Sh. Gadhyare wareejiyey xilkii ururka, waxaanu ku wareejiyey Max’ed cali ibraahin, oo wakhtigaa ahaa arday wax ku barta dalka sacuudiga jaamacad ku taal. Arrintani ayaa dad badan ku noqatay la yaab in hogaanka ururka loo dhiibo arday aan lahayn waayo-aragnimo hogaan iyo mid aqooneed. Hasayeeshe ururka wuu ku dhiiraday inuu sidaasi yeelo. Wakhtigan hogaanka cusub loo doortay wuxuu ku soo beegmay xilli ay dalka ka curteen dagaallo sokeeye. Arrintani waxay fursad siisay hogaamiyihii 15 da’da yaraa, oo aan dalka gudihiisa joogin ee dibada ku maqnaa inuu xilka iska haysto. Sababta kale ee jirtay ayaa ahayd in ururku aanu lahayn garab hubaysan ugumanay jirin manhajkooda in dagaal la galo. Qaar ka mid ahaa ururka ayaa soo jeediyey in la sameeyo garab hubaysan oo dagaalama, balse waxa diidmo xoogan kala horyimid hogaankii sare ee ururka, aakhirkiina dalabkii ahaa in dagaal la galo waa la diiday. Markii dawladii Max’ed siyaad barre burburtay waxa kala qaxay xubnihii ururka islaax oo mid kasta raacay amma tegay dhulkii ay beeshoodu deganayd, si colaada ay uga gabbadaan. Arrintani waxay kala daadsanaan ku abuurtay ururkii, waxa kale oo soo baxay in qaar ka mid ahi ku biireen ururkii Alittixaad ee dagaalka ku jiray. Ka dib ururkii ikhwaanu muslimiinta caalamka ayaa uga digay Al-islaax inay iska ilaaliyaa inay ka qaybgalaan dagaalka sokeeye ee ka socada gudaha soomaaliya. Islamarkaana waxba ku darsan ururada kale ee dagaalamaya. Intii u dhexaysay sannadihii 1991 ilaa 1992 ururka islaax wuxuu dhexdabaalanayey jahawareer hogaamineed. Waxaanu ku sigtay inuu ka leexdo ujeedooyinkii ururka. Waxaana ururka ka leexday, oo qabiilooyinkii ay ka dhasheen la saftay xubno dhawr ahaa, oo ka soo jeeday dhulka kilila shanaad ee itoobiya, gaara ahaan waxay ahaayeen reerka ogaadeenka. Ka bixitaankooda waxay ku sababeeyeen in ururku galay qabyaalad cad, islamarkaana u xuubsiibtay reerka Hawiye oo taageeray jabhadii USC ee Gen. Caydiid hogaaminayey. Waxa iyana iska cadayd in waxqabadkii ururka Al-islaax lagu soo koobay muqdisho, taaso dhalisay dareeka ah, in hawiye iska haysto Al-islaax. Waxa kale oo ay dayaceen gobolada dalka intoodi kale. Muddo ka dib waxa ku soo biiray xubno wada socda o ahaa ururkii Aal-sheekh iyo kooxo ka soo go’ay waxdadii gobollada waqooyi. Waxa ururkii ku batay xubno cusub oo aan waxba kala socon fikirka iyo mabaadiida ururka. Waxa kale oo shiiqay xubnihii waayo-araga ahaa. Hogaamiyii ururka Dr. Max’ed cali ibraahin ayaa sannakii 1992 xarun ka dhigtay jabuuti. Wakhtigan ururka waxa ku dhacay kala daadasho. Muddo ka dib waxa talo ku soo jeediyey ururkii ikhwaanu muslimiinta in dib loo habeeyo ururkii islaax, oo lagu soo dabaalo dhabihii hore loogu jeexay. Taasina waxay keentay in wax laga bedelo hogaankii ururka. Waxaana hogaamiye loo doortay Dr. Cali Sh. Ahmed. Ka dib wuxuu bilaabay in la meelmariyo isbedello kala duwan, arrintaasina waxay keentay mucaarad xoogani 16 ka horyimaado Dr. Cali. Xubnaha mucaaraday Dr. Cali waxay u badnaayeen xubnihii markii dambe ku soo biiray ururka. Kala jabkii ururka Al-islaax Kooxo loogu yeedho Damu Jadiid (dhiiga cusub) oo ahayd koox ka tirsan ururka ayaa dhaliishay qaabka ururku u shaqaynayo, soona jeediyey in wax laga beddelo nidaamka ururku imika hawlaha u wado. Kooxdan dhiiga cusub waxay ku tilmaameen in ururkoodu yahay mid xidh-xidhan, oo aanu la jaanqaadi karin dunidan casriga ah, loona baahan yahay in la casri gareeyo ururka si uu ulajaanqaado qarniga 21-aad. Kooxdan dhiiga cusubi waxay noqotay urur kale oo iskii u taagan. Waxayna xarumo ka samaysteen meelo kala duwan oo dalka ah. Waxay ka faa’idaysteen kala fikir duwanaanta ku timid ururkii ikhwaanu muslimiinta masar, oo laba u kala qaybsamay. Taasina waxay siisay fursad. Kala jabkii ikhwaanu muslimiinta masar Laba kooxood ayuu u kala jabay ururkii ikhwaanu muslimiinka masar. Waxay kala ahaayeen: 1. Jiilkii hore 2. Jiilkii dambe Jiilkii hore : waa qaar si xoog ah u aaminsan kuna nool kutubtii ay qoreen Sh. Xasan Al-Banna iyo Sayid Qudbi. Waxa lagu sheegaa inay ka baqdin qabaan isbelleda cusubi inay la jaanqaadi kari waayaan. Waxa kale oo lagu sheegaa inay aamusiyeen da’yarta, iyagoo ka cabsi qaba inay talada kala wareegaan, waxayna ku doodaan in wax lagu wado waayo-aragnimo iyo odeynimo, oo aan marnaba dhalinyar wax loo dhiibaan Jiilkii dambe: waa qaar si xoog leh u aaminsan inaan la iska dabafadhiisan afkaarka Sheekh kaliya. Waan in wax kasta la akhriyo, oo wixii faa’ido leh laga qaato. Waa in caalamka imika lala jaanqaado, oo la adeegado waayo cusub, cilmi-baadhis iyo fikiro cusub oo la curiyo. Waana is la iska iloobo in loo fikiro si cusub, oo aan loo fikirin qaab gaboobay. Waxay si weyn u aaminsan yihiin in waayaha loo waajaho si geesinimo leh, oo aan laga hadhin adduunka casriga ah. Afkaartaa iska soo horjeeda ee kala qaybisay ikhwaanu muslimiinta masar ayaa saamayn xoogan ku yeeshay islaax soomaaliya, waxaanay keentay inay kala raacaan qaybsankaa ku yimid ikhwaanu muslimiinta masar. 17 Islaax ma urur-diimeed baa mise waa urur-siyaasadeed? Al-islaax waa urur siyaasadeed doonaya in uu qabto hogaanka soomaaliy. Hanashada awooda hogaanka soomaaliya si uu ku gaadho waa inuu diyaarsado dad aad u badan oo u babac dhigi karo masuuliyaddaasi. Sidaasi waxa yidhi aqoonyahan Max’ed cumar oo si weyn ugu dhuundaloola arrimaha islaax. Balse dadka badankiisu way aaminsan argtidaasi, waxaana daliil u ah madaxada dhawr dal oo caalamka ka mid ah, inay m/weyne ka noqdeen. Waxaana tusaale u soo qaadan karnaa: Max’ed Mursi m/weynaha masar iyo m/weynaha soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud. Waxa kale oo ay xubno fara badan ku yeesheen baarlamaankii dalalka carabta, kacdoonkii ka dib. Dalalka, masar, yemen, libiya, tunisiya, marooko iyo sacuudiga. Waxay si xoog leh uga muuqdaan dalalkaasi, oo ay saamayn badan ku leeyihiin. 3) Urur-diimeedka Al-itixaad Urur-diimeedka Al-itixaad waxa la aasaasay sannadkii 1983. Waxaana lagu aasaasay magaaladda muqdisho, waxaana hogaamiye u ahaa Sh. Cali warsame, oo xilligaasi ku sugnaa magaaladda muqdisho. Urur-diimeedkan waxaa tiirar aasaasi ah u ahaa laba qodob: 1) Dacwada diinta islaamka iyo barashadeeda 2) Jihaadka Urur-diimeedkan wuxuu aaminsanaa in bulshadda caalamka la baro diinta islaamka, lagana samatobixiyo duliga iyo diciifnimadda guud ahaan dadyowga muslimka ah, gaar ahaan bulshadda soomaaliyeed. Waxay doonayeen mustaqbalka soomaaliya laga dhiso dawlad islaamig ah, iyadoo la raacayo kitaabka iyo sunnaha. Waxa kale ay aaminsan yihiin in la maro dariiqa salafiya. Dhinaca afkaarta waxay aad ugu dhawaayeen ikhwaanu-muslimka masar. Sanadkii 1984-tii waxa soo shaac baxay khilaaf dhinaca fikirka ah , waxaana soo baxay xubno ka biyo-diiday nidaamka howlaha loo wado , xubnahan waxa u badnaa reer waqooyi (Soomaliland) xubnaha reer waqooyigu waxay ka cabanayeen in ururkii Al-ittixaad ay xubno reer- koonfureed ahi ku fara badanyihiin, halka reer waqooyi yahay tiro yar. Intaasoo Sh.cali warsame reer waqooyi ahaa, balse wuxuu ahaa keligii, ayey ku doodeen xubnahan waxa hogaamiye u ahaa C/qaadir xaaji oo xubin muhiim ah ka ahaa dhaqdhaqaaqii 18 waxdadda. Waxa kale oo ay isku afkaar ahaayeen Sh. Mustafe Ismaaciil , Axmed Aw Daahir , Ismaaciil Cabdi iyo Xassan C/salaam. Dhamaantood waxay dib uga noqdeen magacoodii hore ee waxdadda. Dacwadda ayaa si xawli ah u socota, goobaha dacwadu ka socotay waxa ka mid ahaa masaajidka ceel Hindi oo salaadda maqrib tafsiir laga dhigi jiray. waanu buuxdhaafi jiray masaajid ku yaala suuqa bakaaraha , lafaweyne , danwadaagaha iyo shibbis. Ragga muxaadarooyinka ka akhri jiray waxaa ka mid ahaa: Sh.Cbdilaahi Cabdi, Sh.Daahir Macalin, iyo Sh.maxamed Nuur waxa ururku Al-ittixaad ka caawiyay fidinta dacwadda dhaliyarro ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka sucuudiga. Waxaanay si wanaagsan sharaxaad uga bixiyeen in dimuqraadiyada, shuuciyadda iyo wixii gacanta lagu sameeyo aanay banaanayn in lagu dhaqo dad muslim ah. waxay dadka ka dhaadhiciyeen in dhammaan qaabka nolosha iyo arrimaha bulshadda lagu saleeyo quraanka iyo sunaha nabiga (scwl). Urur diimeedka Alittixaad wuxuu noqday kii ugu ballaadhanaa, uguna xooga weynaa islaamiyiinta Soomaaliya waxaana ku xoog batay xubnaha la dhacsan fikirka Salafiga. Ururka itixaad wuxuu xooga saaray inaan qof keliya warkiisa la qaatan iyo inaan sheekh keliya la iska daba joogsan, iyo waliba qofkii khaldama in khaladkiisa loo sheego, oo aan loo qarin. Kaacankii maxamed siyaad barre ayaa aad u dareensanaa koritaan islaamiyiinta ee gudaha soomaaliya iyo waliba bulshadii oo ay isku dubarteen. Taasina ay keento in laga jeesta kacaankii. marka dambana ay keento in lagu kaco kacaankii lana raano islaamiyiinta Al-ittixaad. si kacaanka u horjoogsado kobaca ururka Al-ittixaad, wuxuu soo saaray qoraal sir ah oo nuxurkiisu ahaa: 1) Diinta inaanu faafin Karin qof aan ruqsad ka haysan wasaaradda garsoorka iyo arimaha diinta. 2) Inaan dalka la soo galin Karin kutub diini ah, fasax la`aan. 3) In sirdoonku isha ku hayo qaabka ay wadaan hawlahooda. Horaantii sideetamaadkii ayuu kacaankii wuxuu ku dhaqaaqay , ugaadhsi uu kula kacay Al-ittixaad , waxaana la xidhxidhay qaar badan oo ka tirsanaa ururka, halka qaar kalena ka baxsadeen dalka ,xubnaha la xidhay waxa ka mid ahaa sh, C/risaaq Xuseen , sh. Xasan , Sh.Nuur Gurxan, C/casiis Faarax , C/laahi Cali, Maxamed Farax,Yusuf Macalin iyo Sh.Xaashi . 19 Xubnaha baxsaday waxa ka mid ahaa: Sh.Cali warsame, waxaanu joogay Burco , ka dib gurigiisi ayaa la tagay waa laga waayay oo Hargaysa ayuu ku dhuumanayey. Waxaanu tegay jabuuti, aakhirkiina wuxuu uga sii gudbay sacuudiga ilaa imaraadka. Horaantii sanadkii 1987-kii ayaa la horkeenay xubinihii xidhnaa maxkamadii badbaado, waxayna xukun dil ah ku xukuntay dhammaan xubnihii xidhnaa. Guddoomiyihii maxkamada badbaado oo wakhtigaa ahaa Gen. Max’ed Yusuf geelle , ayaa xukunka u cuskaday qodobka 54/12 oo dhigayay Qaran dumis iyo la xidhiidho hay`ado shisheeye, ka dib culeys kaga yimid Siyaad Barre gudaha iyo dibada wuxuu ogolaaday inuu ka noqdo xukunkii dilka ahaa. Sanadkii 1989-kii ayaa si shuruud la `aan ah loo sii daayey dhammaan xubnihii xidhnaa. Muddadii xabsiga lagu guray xubnihii ugu faraha badnaa ururka, waxa hogaanka sii waday ku-xigeenkii ururka oo la odhan jiray Sh.cabdiraxmaan makkawi oo xidhiidh fiican la lahaa xubnihii dibada ku sugnaa. Markii la soo daayay xubnihii jeelasha ku jiray, wax iyana dalka din ugu soo noqday xubnihii dibada uga baxsaday . kulan weyn ayay isu yimaadeen , waxaana laga shiray sidii ururka loo cusboonaysiin lahaa, waxaa mar kale dib loo doortay gudoomiyihii hore Sh.cali warsame,halka ku xigeenka loo doortay sh.xasan daahir aways. waxaana kulankaasi lagu go’aamiyay in la sii wado ujeedooyinkii ururkii Al-ittixaad ee ahaa dacwada iyo jihaadka. Wakhtiyada qaar, waxa dhici jiray in wadaada kale ee dariiqooyinka ku tilmaami jireen dacwada Al-ittixaad Bidco, hasa yeeshe waxay kasbadeen oo bulsho badan oo ay ugu badnaayeen dhalinyaradii ka soo baxday dugsiga sare iyo jaamacada ummada soomaaliyeed. waxa dhici jiray iska horimaad dhexmari jiray Al-ittixaad iyo dariiqooyinka kale, wax dagaal ahi ma dhicin jirin balse hanjabaad, aflagaado iyo dagaal gacmo ah, ayaa dhex mari jiray. Xubinimada Al-itixaad Ururka si fudud xubin loogama noqon jirin , balse waxa mari jiray marxalado kala ahaa: a) Haawaamish: waa halka koowaad ee laga bilaabo xubin noqoshada ururka waana goobta lagu kala shaandheeyo, intaan loo qaadan xubinimada. b) Usro Khaarijiga: waa halka labaad ee lagu kala saaro kuwa xubin buuxda ka noqonaya ururka. May ahayn oo kaliya inuu qofku xubin buuxda ka noqonayo labadaa arinmood, balse wuxuu mari jiray qaar kale oo badan, oo qof lagu hubinayo inuu wax badan ka fahmo ururka iyo siraha looga baahan yahay inuu qariyo. 20 Qaab dhismedka ururka • Gole shuuro oo ka kooban 36 xubnood, oo laga soo dhex xuley golaha fulinta. • Gudi fulinta oo ka kooban gudoomiyaha, ku-xigeenkiisa, xoghaynta guud, xafiiska maaliyadda, xafiiska jihaadka, xafiiska dibada, xafiiska sirdoonka iyo xafiiska goboladda. Dagaaladii ay Al-itixaad galeen Shan dagaal ayey Al-ittixaad galeen, oo kala ahaa: 1. Dagaalkii araare ee ay la galeen U.S.C oo Gen.Caydiid ahaa. 2. Dagaalkii Gedo oo mar kale U.S.C. ahaa 3. Dagaalkii itoobiya ee Gedo 4. Dagaalkii S.S.D.F ee gobolada bari 5. Dagaalkii S.S.D.F ee Saliida iyo laas-qoray. 4) UrurkaTabliiq UrurkaTabliiq waa mid baaxad wayn oo caalami ah, astaan ahaan iyo fikrad ahaanna ka duwan ururrada kale ee Islaamiga ah caalamiga ah. 1926-kii ayaa la aasaasay, waxaa aasaasay nin la oran jiray Mowlana Maxamed Ilyas Qandahlawi oo Hindi ahaa. Faallada Tabliiq Macnaha uu xambaarsan yahay magaca ururka Jamaacatu-Tabliigh ayaa ah inuu yahay ururka gaarsiinta farriinta Islaamka. Inkastoo xoogga ururkan uu ka jiro dalalka Pakistan, India iyo Bangaladesh, haddana farriinta Tabliigh waxeey ku baahday dacallada dunida oo dhan. Tusaale ahaan, ururku wuxuu masaajidka ugu weyn ee laga hirgaliyo dal aan Muslim aheyn ka dhisayaa magaaladan London, arrintaas oo muran dhalisay, kaddib markii uu masjidku u dhawaaday xarunta lagu qaban doono ciyaaraha Olympiga ee sanadka 2012-ka. Si sax ah looma hubo xilliga uu ururka Tabliigh ka hirgalay gudaha dalka Soomaaliya, laakiin wuxuu si weyn usoo ifbaxay wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye. 21 Fikir ahaan, ururka Tabliigh waa mid sheegta inuusan siyaasi aheyn. Lix qodob oo waaweyn oo ay kamid yihiin barashada diinta, salaadda, xushemmeynta qofka Muslimka ah iyo faafinta diinta ayaa aasaas u ah ururkan. Astaanta ugu weyn ee lagu garto ururka Tabliigh, marka laga soo tago cimaamadda ay xubnaha ururkaas sida xaragada leh madaxa ugu duubtaan, ayaa ah in xubnaha ururkan ay isaga gooshaan qaybaha kala duwan ee dunida, iyagoo diin faafis ah. Marka ay qof ugu yeerayaan inuu qaato fikirkooda ayeey Tabliighu u sheegaan qofkaas inuu Alle dartiis u amba-boxo, una fidiyo diintiisa. Farriintaas aan tafartirneyn ayaa la rumeysan yahay inay qayb libaax leh ka qaadato tirada sii kordheysa ee ururkaas ku biireysa. Intaas waxaa sii dheer in dadka faafiya fikradda Tabliigha aan looga baahneyn inay cilmi sidaa u sii qoto dheer u yeeshaan diinta Islaamka, taas oo ah eedeymaha ugu weyn ee loo jeediyo Tabliigha. Inta laga ogyahay, ururka Tabliigh kama qayb qaadan hardanka siyaasadeed ee ka jiray Soomaaliya. Dhowr sano kahor ayuu ururku masjidka weyn ee Al-Hidaaya ka furtay xaafadda Waxara Cadde ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho. Masjidkaas ayaa saldhig u noqday howlaha ay ururka Tabliigh ka wadaan Soomaaliya, iyo waliba qaybo kamid ah Geeska Africa. Waana masjidka dhawaatan ay ciidamada Itoobiyaanku madaafiic-da ku garaaceen, sida uu BBC u sheegay mid kamid ah wadaaddadii halkaas joogay. Waxaa weerarkaas ku dhintay siddeed qof oo uu kamid yahay Sh. Siciid Yaxye oo kamid ahaa culimada ugu waaweyn ee Tabliiqa. 5) YAA DHALAY AALA SHEEKH IYO DAM-JADIID? Dad badan oo Soomaali ah ayaa marka ay maqlaan kalmadda AALA SHEIKH iyo DAMUL JADIID waxaa ku soo dhaca ururo leh magac diimeed oo ku milan siyaasada Soomaalida. Waxaa laga yaabaa in marka aad maqasho: 1- Aala Sheikh: aad xasuusato urur mushakal ah oo ka soo farcamay maxkamadihii islaamiga iyo shakhsiyaad Itixaad, Ictisaam iyo kuwa Islaax ka soo falaagoobay, kuwaa oo markii dambe xukunka Soomaalida ka soo dhax 22 muuqday, markii lagala wareegay awoodiina dib u habeeyn ayeey bilaabeen, laakin labo ayeey u kala jabeen markii ay ka farcantay qayb cusub oo diidan hoggaankii hore ee Aala Sheikh, kuwaasoo aan magac gaar ah la bixin dalkana looga yaqaan daacishta Aala Sheikh. 2- Marka aad maqasho Damul Jadiid waxaad xasuusanee koox ka qo’day Islaax, kadib markii laga diiday in hoggaanka Islaax wax laga bedelo si ay madaxda ururka uga dhax muuqdaan, dhiig cusubna hoggaanka loogu daro, kadibna isaga baxay, kooxdii ay ka go’een ayaa u bixisay magaca Damu Jadiid oo ah kuwii ku doodayay dhiig cusub halagu daro ururka. Kooxdan go’day malaheeyn qorshe siyaasadeed, amma nidaam urur, waxaana laga xigsaday ururadii Carabta ee dhaqaalaha laga heli jiray. Waxa ay si nasiib ah kula bahoobeed xisbiga PDP. Oo hogaankiisu markaa!!! uuna ka tirsaneeyn urur diimeedyada laakiin ay u isticmaali karaan in ay uga hor tagaan Islaaxii hore ay uga soo go’een oo markaa u sharaxnaa hogaanka dalka. Damul Jadiidkiina laba ayeey u kala jabeen qayb weeysay xil kadibna mucaarad ku noqday saaxibadood iyo koox ka mid ahaa Damuljadiid laakin fekerkaa isaga baxay markii ay xil heleen. 6) Al-saadicuuna bil-xaq Xilli hadda laga joogo sanado, waxaa magaalooyinka Qaahira iyo Muqdisho si isku mid ah looga dhawaaqay urur diimeed la magac baxay Al-saadicuuna bilxaq oo micnaheedu yahay “Kuwii la jahrayay xaqqa”. Ururukan oo ay xubno ka yihiin dad macalimiin ka ah jaamacadaha dalka, ganacsato, dhaqaatiir, Enjineerro iyo aqoonyahanno kale ayaa sheegay in ay isa soo banaan dhigeen kadib 40 sano oo ay wadeen wax ay ugu yeereen dacwad qarsoodi ah, tarbiyad iyo dhisid jiilkii islaamka. Ujeedada ugu weyn ee ururka ayay kooxdani ku sheegeen in uu yahay ku soo celinta islaamka nolosha bulshoyinka kadib markii (Sida ay sheegeen) bulshooyinkaasi ka tageen Islaamka. Intaas wixii ka danbeeyay kooxdu waxa ay si firfircoon ugu baahinaysay dacwadooda baraha bulshada iyaga oo soo bandhigayay inta badan muuqaallo 23 tayadoodu aad u sarayso isla markaana ay ka soo muuqanayaan ragga ugu cadcad ururka. Bilihii September iyo Oktober ee sanadkan ayaa sidoo kale kooxo dhalinyaro ah oo ka tirsan ururkani si xiriir ah uga soo muuqdeen braha bulshada iyaga oo iclamainaya in ay taageersanyihiin baaqa xarakada isla markaana ay dadka ugu wacayaan Islaamka. Haddaba kooxdani waa ayo? Maxay aaminsanyihiin? Maxayse tahay natiijada ka dhalan doonta daacwadooda? Maxaase kaga aaddan culimada? Kooxdani waa ayo? Kooxdani sida ay iyaguba sheegeen waxa ay ka soo dhanbalmeen xarakaadkii Islaamiga ahaa ee 70-naadkii qarnigii hore ka hanaqaaday dalka Soomaaliya si ay nolosha bulshada uga dhigaan mid si buuxda u waafaqsan shareecada isla markaana is hortaag ku sameeyaan taliskii milateriga oo marar badan qaatay mawaaqif si daran uga hor imaanaya Islaamka. Hase yeeshee kooxdani, sida muuqata waxa ay xarakaatka kale kaga duwanaayeen afar walxood oo kala ah: 1. In ay bulshada Soomalida, ka bulsho ahaan, ku xukumeen in ay yihiin gaalo maadaama qaybo kamid ah noloshooda lagu maamaulo wax aan ahayn shareecada Islaaamka. 2. In ay doorteen camalka qarsoodiga ah halkii ay dacwada la jahri lahaayeen. 3. Si aan loo ogaan caqiidadooda in aanay bulshada u muujin waxyaalaha qaar ee ka didin kara sida in ay meelaha qaar hilibka iska cunaan (Tan oo ah waxa ay kaga duwanyihiin takfiirka kale ee aan cunin hilibka ay gawraacaan dad aan iyaga ku caqiido ahayn) iyo in ay salaadda la dukadaan jamaacooyinka mararka qaar. 4. In ay si xeeldheer u darsaan una qaataan afkaartii Saydi Qudbi oo dad badani ku tilmaamaan in ay tahay fikradda salka u ah qaybo badan oo ka mid ah fikradaha takfiirka ee casrigan jira. 24 Maxay aaminsantahay kooxdani? Waxyaalaha bud dhigag u ah caqiidada ay kooxdani aaminsantahay waxaa ka mid ah: 1. In ay bulshada Soomalida, ka bulsho ahaan ku xukumeen in ay yihiin gaalo maadaama qaybo kamid ah noloshooda lagu mamaulo wax aan ahayn shareecada islaaamka. 2. In ay aaminsanyihiin in dhamaan maamullada dawliga ah ee dalka ka jiraa (Federal iyo mid gobol) ay yihiin gaalo iyaga oo daliishanaya in qaarkoodna wax ku xukumayaan sharci aan ahayn kii Islaamka qaar kalana ay sharciyadaas dejinayaan (Xildhibaannada). 3. In xarakaadka Islaamiga ah ay weli u aqoonsanyihiin in yihiin Muslimiin maadaama waxa ay u istaageen ay tahay hirgelinta Shareecada Islaamka. 4. In bulshadu fardi-fardi ahaan aanay ku xukumayn gaalnimo iyo Islaamnimo midna ilaa ay la macaamilaan deedna ay labada qaanadood mid geliyaan. Caqiidada noocan ah ayaa waxaa ka sii dhashay koox go’aanno iyo axkaam ah sida: 1. In ay aaminsanyihiin in aan salaadda jumcadu ku waajibin sidaas daraadeedna ay duhur iska dukan karaan maalmaha Jumcada, maadaama sida ay aaminsanyihin aanay jirin ummad Muslim ah oo salaad jimco ah oogtaahi. 2. In aan jihaadku xilligan waajib ku ahayn iyaga, maadaama ay ku jiran marxalladdii isdiyarinta. Taas waxaa tusaale kuugu ah in aanay ka qayb qaadan dagaalladii dalka looga xoreeyay Xabashida Itoobiya oo dad badan oo Soomaaliyeed u haysteen in uu ahaa jihaad muqaddas ah. 3. In aan marnaba la dejisan Karin wax qawaaniin ah xataa haddii ay qawaaniintaasi nidaaminayaan qaybo ka mid ah nolosha oo aan quraanka, Sunnada iyo masaadirta kale ee tashriica Islaamku aanay si toos ah uga hadlin. 25 4. In ay ku jiraan xilligii qurbada oo la mid ah xilligii Islaamku soo ifbaxay sidaas daradeedna aanay waxyaalo badan oo manhiyaat u muuqda aanay ka joogsanayn sida laaluush ay siiyaan dadka suldada jooga iwm. 5. Ku sii talaxtagga axkaamta gaalaysiinta ee dadka lagu ridayo, iyada oo aad marar badan maqlayso “Hebel waa gaal” iyada oo sababtu tahay wax uun macsi ah oo uu sameeyay sida isaga oo khamri cabay IWM. Dhammaad 26