2015-2016
Imtixaanka
Gelitaanka
Dugsiyada Dadweynaha Boston
Boston Latin Academy
Gelitaanka Fasallada 7 iyo 9
Boston Latin School
Gelitaanka Fasallada 7 iyo 9
John D. O’Bryant School of Mathematics and Science
Gelitaanka Fasallada 7, 9, iyo 10
WAQTIGA U DEMBEEYA DIIWAANGELINTA:
Arbaca, Sibtambar 30, 2015
TAARIIKHDA IMTIXAANKA:
Sabti, Noofembar 7, 2015
Imtixaanka waxa maamula
‘Educational Records
Bureau’ oo uu kormeero
xafiiska Dugsiyada
Dadweynaha Boston
Somali
Taageerada Luqadda
Parents/Guardians who need language assistance
may call a BPS Welcome Center at 617-635-9010,
617-635-8015, or 617-635-8040.
Portuguese
Pais/Responsáveis que precisam de assistência com o
seu idioma podem telefonar para um Centro Boas Vindas
das BPS nos números 617-635-9010, 617-635-8015 ou
617-635-8040.
Cape Verdean
Pais/Inkaregadus di idukason ki mesti ajuda ku
lingua podi txoma Sentru di Boas Vindas di BPS
na 617-635-8015, 617-6135-8015, o 617-635-8040.
Chinese
需要語言協助的學生家長 / 監護人可電波市公校
歡迎中心 BPS Welcome Center 電話: 617-6359010、617-635-8015 或 617-635-8040。
Vietnamese
Nếu Quý Phụ Huynh hoặc Người Giám Hộ cần trợ
giúp ngôn ngữ, xin vui lòng liên lạc với Trung Tâm
Tiếp Đón BPS, điện thoại số: 617-635-9010, 617-6358015 hoặc 617-635-8040.
Haitian
Paran/Responsab ki bezwen asistans nan lang kapab
rele yon Sant Dakèy BPS nan 617-635-9010, 617635-8015 oubyen 617-635-8040.
Somali
Waalidiinta/Koriyayaasha u baahan taageero xagga
luqadda ah, waxay wici karaan mid ahaan Xarumaha
Soo-dhaweynta BPS lambarrada 617-635-9010,
617-635-8015, ama 617-635-8040.
2
Tusmada
Ku saabsan ‘ERB’.......................................................4
Hordhac. …………......................................................5
Kaalandarka Aqballaadda ...........................................6
Baroosaska Diiwaangelinta imtixaanka ‘ISEE’.......6-8
Imtixaanka Axadda....................................................8
Imtixaanidda Taageerada leh………………...........................8
Liiska Jeegareynta ee Maalinta Imtixaanka ...............................9
Hubinta Deggannaanshaha Boston .....................10-11
Imtixaanka Ku-celinta ah.........................................12
Codsashada Warbixinta Natiijada..........................13
Isu diyaarinta imtixaanka ‘ISEE’........................14-16
Qaababka Fulinta ee Maalinta Imtixaanka .............................17
Liiska ‘Code’ka Xarunta ...........................................18
Liiska ‘Code’ka
Dugsiyada Dadweynaha Boston ...........................18-19
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
Gaarka/Diinta/’Charter’ka. . . . . . . . . . . . . . . . . . 20-21
Foomka Codsashada Natiijada Imtixaanka...........22
3
Ku Saabsan ERB
'Educational Records Bureau'
Board of Trustrees
Debbi David
Elizabeth Gregory
Dr. Elaine Hansen
Dr. James Honan
Dr. Thomas Kelly
Victoria Kniewel
Dr. Mark Lauria
Dr. T.J. Locke
Dr. David Magill
Dr. Cheryl Maloney
Dr. Mike McGill
Peter Mott
Keith Shahan
Taylor Stockdale
Rebecca Upham
Kim Wargo
Andy Watson
Alexis Wright
Imtixaanka “Independent School Entrance Exam (ISEE)” waxa
maamula hay’adda “Educational Records Bureau (ERB)” oo
wuxuu ka kooban yahay afar imtixaan-hoosaadyo. Imtixaanka
qoraalka (writing sample or essay) ee ka mid ah imtixaanka ISEE, kama
mid ahah imtixaanka Boston. Afar imtixaan-hoosaad waxay kala
yihiin Hadalka “Verbal Reasoning”, Akhriska “Reading
Comprehension”, Sab ab eynt a “ Quantitative Reasoning”, iyo
Xisaabta “Mathematics Achievement”.
Su’aalaha ku saabsan diiwaangelinta, maamulka imtixaanka, ama
xaaladaha lagu qaado imtixaanka, waxaad u qori kartaa hay’adda:
Educational Records Bureau
ISEE
470 Park Avenue South
New York, NY 10016
Haddii qoraalkaagu yahay cabasho xagga maamulka imtixaanka,
waxaad hubisaa inaad ku darto sharraxaad buuxda oo saxa oo ku
saabsan xaaladaha su’aashu ka taagan tahay.
Xuquuqda daabacaadda: Copyright ©2015 by Educational Records
Bureau. All rights reserved.
4
Hordhac
Codsashada Dugsiyada Imtixaanka ee
Boston
Dugsiyada Dadweynaha Boston (BPS) waxay leeyihiin
saddexdugsi oo imtixaan lagu galo – Boston Latin Academy,
Boston Latin School, iyo John D. O’Bryant School of Mathematics
& Science. Ardayda codsaneysa inay dhigato dugsiyada imtixaanku waa
inay noqdaan kuwo deggan magaalada Boston. Gelitaanku wuxuu gebi
ahaanba ku xiran yahay buundooyinka ardayga iyo natiijooyinka
imtixaanka ISEE. Xafiiska BPS ma qaado qeybta qoraalka
(essay component) ee imtixaanka ISEE.
Ardayda u qalantaa waa inay hadda dhigtaan fasalka 6 si ay u
codsadaan (apply) fasalka 7, ama inay dhigtaan fasalka 8 si ay
codsadaan fasalka 9 ee dhammaan saddexda dugsi ee imtixaanka
lagu galo. Ardayda hadda dhigata fasalka 9 waxay qaadan karaan
imtixaanka si ay u codsadaan fasalka 10 ee dugsiga John D.
O’Bryant School of Mathematics & Science oo qura.
Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan Dugsiyada
Imtixaanka ee Boston, ama baroosaska gelitaanka dugsiyadaas,
ama xeerka degganaanshaha, ama aad caawimo u baahan tahay,
fadlan la xiriir:
Maria Vieira
Enrollment Planning & Support
Tel: 617-635-9512
Website: www.bostonpublicschools.org/exam
Fadlan akhriso dhammaan qeybaha qoraalkan oo ku
saabsan macluumaad muhiim ah iyo shuruudaha arjiga.
5
Baroosaska Diiwaangelinta ISEE
Jadwalka Taariikhaha Muhiimka ah
Sibtambar 14 - 30
Xilliga Diiwaangelinta ee imtixaanka
Noofembar 7
Oktoobar 2
Maalinta u-dembeysa codsiga taageero
gaara ee imtixaanka ISEE
Oktoobar 5 illaa
Noofembar 6
Xilliga hubinta degannaanshaha ardayda
dhigata dugsiyada gaarka ah, diinta ah,
METCO, dugsiyada 'charter'ka, dugsiyada ka
baxsan Magaalada Boston, iyo ardayda guriga
wax lagu baro
Noofembar 7
Imtixaanka ISEE
Noofembar 8
Imtixaanka Axadda ee ardayga leh
waajibaad diineed
Noofembar 21
Imtixaanka ku-celiska ISEE ee Boston Latin
School
Horraanta Jeenawery Foomamka Fasaxa Codsadayaasha ayaa
loo diraa dugsiyada in la soo aruuriyo
buundooyinka ardayda
Jeenawery 29
Maalinta u-dembeysa helidda Foomamka
Fasaxa Codsadayaasha ee Dugsiyada
Dadweynaha Boston
Bartamaha Maarij
Taariikhda qiyaasta ah ee helitaanka
martiqaadka dugsiga imtixaanka lagu galo
FIIRO GAAR AH: Diiwaangelinta goob joogga ah waxa lagu sameyn
doonaa oo qura marka la qaadayo imtixaanka ku-celiska ISEE ee
Noofembar 21, 2015.
Diiwaangelinta imtixaanka ISEE
Kuwa aan degganeyn magaalada Boston:
Haddii aanad hadda ahayn qof deggan Magaalada Boston, fadlan
iska diiwaangeli xafiiska 'Educational Records Bureau' inaad
qaadatid imtixaanka qaran ee ISEE adigoo wacaya lambarka 1-800446-0320 ama iska qoraya barta internetka ee www.iseetest.org
(lacag fii ah baa la qaadayaa). Ardayda aan degganeyn magaalada e
codsanaya dugsiyada imtixaanka ee Boston waa inay qaataan
imtixaanka ISEE Noofembar 21, 2015. Natiijooyinka imtixaanka waa in
loo diraa Dugsiyada Dadweynaha Boston,, 'code 888888'. Fadlan tixraac
caddeynta baroosaska degannaanshaha magaalada Boston taas
oo ay tahay in dhammeystiro ka hor Noofembar 6.
Kuwa hadda deggan magaalada Boston:
Foomka diiwaangelinta imtixaanka ayaa la socda buug-yarahan oo
waa in uu buuxiyaa waalidku. Fadlan foomka la buuxiyey u soo
celi maamulaha/madaxa dugsiga ka hor Sibtambar 30, 2015.
6
Baroosaska Diiwaangelinta ISEE
Haddii ardaygu dhigto dugsi aan liistada ku jirin (school code 8888)
ama hadda wax lagu baro guriga (school code 8554), fadlan foomka
diiwaangelinta si toos ah boostada ugu dir xafiiska 'ISEE
Operations Office', Tweedy Tattersall, 423 Morris Street, Durham
NC, 27701.
Fadlan isticmaal qalin qoriga (No.2 pencil) marka aad
buuxineysid foomka diiwaangelinta. Macluumaadka la codsaday ku
daabac meel kasta oo madoobee goobaabta saxda ah. Waxaad
dhaafi kartaa sanduuq cusub oo sheegaya meel u dhaxeysa laba
erey ama magac. Dadku maaha inay si bareer ah u qortaan
macluumaad been ah oo waa inay fahmaan in codsiga la saxeexayo
iyadoo sharciga lala tiigsanayo wixii been abuur ah.
'Student Name': Halkan ku buuxi magacaaga sharciga ah oo
buuxa (naaneys lama oggola).
'Student’s Home Address': Halkan ku buuxi cinwaanka guriga aad
hadda deggan tahay. Ha qorin cinwaanka guri aad mustaqbalka
deggi doontid.
'Describe Yourself': Hal sanduuq oo qura buuxi.
'Current Grade in School': Imtixaankan waxa loogu tala galay
ardayga dhigata fasalada 6, 8, ama 9 oo qura.
'School Now Attending': 'code'ka dugsigaaga waxaad ka helisaa
boggaga 18-24 ee buug-yarahan.
'BPS ID Number': Sanduuqan waxa buuxinaya ardayda hadda
dhigata Dugsiyada Dadweynaha Bosston. Fadlan halkan geli
lambarka aqoonsiga (ID) ardayga ee lixda hog ah.
'Test Center Names': 'Code'ka xarumaha imtixaanku waxay ku
yaallaan bogga 18 ee buugyahan. In lagugu qoro xarunta
imtixaanka ee aad dooratay maaha mid la ballan qaadi karo.
Tigidhka qaadashada imtixaanka waxa boosta loogu soo diri
doonaa dugsiga uu ilmahaagu hadda dhigto oo waxa la qeybin
doonaa wiigga Noofembar 2, 2015. Ardayda dhigata dugsiyada aan
liistada ku jirin (code 8888) ama kuwa hadda guriga wax lagu baro,
tigidhada imtixaanka waxa boostada loogu diri doonaa cinwaanka
gurigooda.
Tigidhku wuxuu muujin doonaa Xarunta Imtixaanka ee lagugu
qoray iyo lambarka diiwaangelinta. Ku-meeleynta Xarunta
Imtixaanka lama beddeli karo.
Diiwaangelinta Goobta
Qoysaska ka gaari waayey xilligii diiwaangelinta ee Sibtambar,
waxay heli doonaan diiwaangelin goobta Noofembar 21, 2015
marka imtixaanka lagu qaadayo dugsiga Boston Latin. Ardaydu
waxay awoodi doonaan inay yimaaddaan xarunta imtixaanka
iyagoo wata dhokumantigii loo baahnaa oo ay goobtaas iska
diiwaangashaan.
7
Baroosaska Diiwaangelinta ISEE
Fadlan fiiri waxyaalaha loo baahan yahay ee caddeynta
deggannaanshaha iyo aqoonsiga aradyga ee ku qoran buugyarahan. Maamulka imtixaanka ISEE ee Dugsiyada Dadweynaha
Boston waxa loogu tala galay dadka deggan magaalada Boston
oo qura.
Qaadashada Imtixaanka Axadda
Imtixaan Axadda ah oo gaar ah ayaa la siin doonaa ardayda aan
qaadan karin imtixaanka Sabtida sababo diineed awgood.
Imtixaankan gaarka ah Axadda, Noofembar 8, 2015, lagu qaadan
doonaa at dugsiga Boston Latin School. Si aad ilmahaaga ugu codsato
imtixaanka Axadda, fadlan la xiriir xafiiska 'Enrollment Planning
& Support' lambarka 617-635-9512. Waalidka waxa weli laga
rabaa inay buuxiyaan foomka diiwaangelinta ISEE ee taariikhda
imtixaanka Noofembar 7, si ay u helaan tigidhka imtixaanka.
Imtixaamidda Taageerada leh
Taageero gaar ah oo imtixaamidda ayey helayaan ardayda aan si
caadi ah u qaaddan karin imtixaanka ISEE sababtoo ah ardayga
oo sida uu wax u barto ay ka duwan tahay ardayda kale ama leh
karti luqadeed oo ka duwan kuwa kale taas oo lagu caddeeyey
dhokumanti.
Si aad u codsatid taageero gaar ah sababtoo ah naafanimo jireed
ama waxbarasho, dugsiga ilmahaagu waa inuu soo gudbiyaa
foom iyo nuqulka Barnaamijka IEP, Qorshaha 504, Qiimeynta
"Neuro-Psychological Evaluation" ee ilmahaaga ama warqadda
dhakhtarka oo caddeyneysa walaac caafimaad. Foomka codsiga
oo laga heli karo barta internetka ee hoos ku taalla, waa inuu la
socdo saxeexa orijinaalka ah ee waalidka ama koriyaha.
Si aad u codsatid taageero imtixaan ee Bartayaasha Luqadda
Ingirisiga (ELLs), waa in waalidku ama koriyuhu soo gudbiyaa
foomka codsiga ee laga heli karo barta internetka ee hoos ku
taalla. Ardayda aan hadda dhigan Dugsiyada Dadweynaha
Boston waxa laga rabaa inay qaataan Imtixaanka Aqoonta
Ingiriisiga maalinta Sabtida, Oktoobar 24, 2015 si loo go'aamiyo
u-qalmiddooda. Taagerada ardayda "ELL"ka ah waxa ka mid ah
isticmaalka qaamuuska kalmad-kalmad lagu fasiro iyo waqtiga
oo loo dheereeyo. Ardayda hadda dhigata Dugsiyada
Dadweynaha Boston loogama baahna inay qaataan Imtixaanka
Aqoonta Ingiriisiga.
Waxa la heli doonaa qaamuusyo kalmad kalmad lagu fasiray oo
ah luqado la soo xulay aad u tiro yar oo la siin doono qofba
qofkuu ka soo horreeyo. Si aad u hubisid inaad isticmaasho
qaamuuska kalmad kalmad lagu fasiray, fadlan soo qaado
nuqulkaaga kaas oo uu baari doono ama uu hubin doono qof ka
socda BPS. Qamuusyada la oggol yahay waxay ku xaddidan
yihiin kuwa la ogolaaday ee ah kuwa kalmad kalmad ku fasira
oo kuma jiraan kuwa bixiya sharraxaadda dheer ama
8
Baroosaska Diiwaangelinta ISEE
qeexdimaha. Waalidku waxay qaamuuska ka gadan karaan
gadayaasha la oogol yahay ee hoos ku yaalla:
Bilingual Dictionaries, Inc.
Hippocrene Books, Inc.
Tuttle Publishing
www.bilingualdictionaries.com
www.hippocrenebooks.com
www.tuttlepublishing.com
Fadlan oggow in imtixaamidda taageerada gaarka ah leh lagu qaadi
doona Dugsiga Boston Latin School oo qura. Haddii aa
qorsheysaneysid inaad codsato taagerada gaarka ag ee
imtixaanka ISEE, fadlan hubi inaad doorato Dugisga Boston
Latin School- xarunta imtixaamidda taageerada gaarka ah leh.
Fadlan dhammaan codsiyada u dir cinwaanka soo socda:
Maria Vieira
Boston Public Schools
Enrollment Planning & Support
23 Washington Street
Roxbury, MA 02119
Foomka codsashada Taageerada Gaarka ah waxa laga helayaa barta
internetka www.bostonpublicschools.org/exam. Dhammaan
codsiyada waa in xareeyaa inta ka horeysa Oktoobar 2, 2015 si loogu
diyaargaroobo imtixaanka Noofembar 7. Waraaqaha oggolaashaha
waxa boostada loogu diri doonaa wiigga u dembeeya bisha
Oktoober oo faahfaahinaya taageerada la oggolaaday. Fadlan
oggow in aan goobta imtixaanka lagu bixin doonin taageero gaar
ah haddii aanad haysan warqadda oggolaanshaha oo ka timi
xafiiska "Enrollment Planning & Support".
9
Liiska Jeegareynta ee Maalinta Imtixaanka
Liiska Jeegareynta Maalinta Imtixaanka
Waxyaalaha ay tahay inaad xasuusato inaad soo qaadato
maalinta imtixaanka:
1.
2.
3.
4.
Tigidhka gelitaanka imtixaanka ISEE
Aqoonsiga Ardayga
'Residency Verification receipt*'
Shan qalin qori 'No.2' oo qoran iyo masaxaad
*Xujadan loogama baahna ardayda hadda dhigata Dugsiyada Dadweynaha Boston
Aqoonsiga Ardayga
Ardayda qaadaneysa imtixaanka ISEE waxa looga baahan yahay
inay xarunta imtixaanka keenaan aqoonsi sax ah.
Tusaale ahaan aqoonsinnada la oggol yahay waxa ka mid ah
baasaboor, 'green card', ama aqoonsi dugsi oo sawir iyo magac leh.
Baasaboorka iyo 'green card'ka waxa laga yaabaa inay dhaceen,
hase ahaatee, waa in dhokumantigu leeyihiin sawir dhawaan laga
qaaday ilmaha.
Haddii aaanu ilmahaagu laheyn nooc aqoonsi sawir leh, ardaygu
wuxuu keeni karaa laba shey ka mid ah kuwa hoos ku yaalla:
1. Kaarka 'Social Security'
2. Warqadda Dhalashada
3. Kaarka Warbixinta ee Sannad Dugsiyeedka hadda
4. Aqoonsiga Dugsiga (oo aan sawir lahayn)
Ardayda looma oggolaanayo inay galaan xarunta imtixaanka
iyagoon haysan aqoonsi habboon.
10
Baroosaska Caddeynta Degganaanshaha Boston
Xeerka Degganaanshaha ee Dugsiyada
Imtixaanka
Bishii Juun 2010, Dugsiyada Dadweynaha Boston waxay dib u
qoreen xeerka degganaanshaha ee codsadayaasha raadsanaya
inay galaan dugsiyada imtixaanka. Xeerku wuxuu rabaa in
ardayga iyo waalidka/koriyaha ay labaduba deggan yihiin
Magaalada Boston ka hor Jimcaha koowaad ee bisha Nofember
ee sannadka codsiga.
Xeerka Guddiga Dugsiyada Boston wuxuu degganaanshaha ku
qeexaa goobta uu ardaygu si joogta ah ugu nool yahay, ee maaha
meesha uu ku-meelgaar ugu nool yahay, halkaas oo ah xaruntiisa
nololeed ee xag deegaan iyo bulshanimo. Degganaansho kumeelgaar ah ee magaalada Boston oo ujeeddadeeda keliye tahay in
lagu codsado iyo/ama lagu galo Dugsiyada Dadweynaha Boston,
taas looma aqoonsanayo inay tahay degganaansho.
Baroosaska Caddeynta Degganaanshaha
Boston
Baroosaska caddeynta degenaanshaha waxay khuseysaa waalidka leh
ardayda hadda dhigata dugsi gaar ah, mid diineed, mid 'charter' ah,
barnaamijka dugsiga ee METCO, dugsi ka baxsan magaalada
Boston, ama kuwa guriga wax lagu baro. Xitaa haddii ay arday
kale kuu dhigato BPS, ama aad tahay shaqaale ahdda ah ee
magaalada Boston, ama uu ilmuhu hore u dhigan jiray Dugsiyada
BPS, waxa qasab ah inaad buuxiso codsiga caddeynta
degganaanshaha ee dugsiyada imtixaanka lagu galo.
Xilliga Caddeynta Degganaanshaha waxay furan tahay min
Oktoobar 5 illaa Noofembar 6, 2015 goobaha Xarumaha Soodhaweynta. Haddii aanad buuxin karin baroosaska caddeynta
degganaanshaha, ilmahaaga looma oggolaan doono inuu
imtixaanka u fariisto iyo/ama in loo tixgeliyo inuu galo dugsi
imtixaan. Ka cafis malaha xeerka degganaashuhu.
Dhammaan Codsiyada Caddeynta Degganaanshaha Waa In
Laga Helaa Waxyaalahan:
1. Warqadda Dhalashada Ilmaha oo Orijinaal ah ama "I-94 form"
(amar maxkamadeed ee koriyanimada haddii ay khuseyso)
2. Aqoonsiga Waalidka/Koriyaha oo sawir leh
3. Laba Caddeymood oo Deggannaashaha ah (caddeymuhu kama wada iman
karaan isla hal dhibic oo hoos ku taalla):
• Biilka Imkaaniyaadka 'Utility Bill' (oon ahayn biilka
biyaha ama talafoonka gacanta) oo taariikhdiisu tahay
60 kii maalmood ee u dembeeyey
• Mulkiyad Guri ama Bixinta Xaftada (Mortgage Payment)
oo taariikhdiisu tahay 60 kii maalmood ee u dembeeyey
ama Biilka Cashuurta Guriga.
11
Baroosaska Caddeynta degganaanshaha Boston
• Heshiiska kirada, heshiiska 'Section 8', ama Foomka BPS
ee Marag-kaca Mulkiilaha Guriga
• Foomka 'W2' oo taariikhdiisu tahay sannadkii u
dembeeyey ama risiidhka mushaharka 'Payroll Stub'
taariikhdeedu tahay 60kii maalmood ee u dembeeyey
• Weerta Baanka ama 'Credit Card' taariikhdeedu tahay 60
maalmood ee u dembeeyey
• Warqad ka timi Hay'ad Dawladeed oo la Oggolaaday* oo
taariikhdeedu tahay 60 maalmood ee u dembeeyey
* Hay'adaha dawladda ee la oggol yahay: 'Departments of
Revenue (DOR), Children and Family Services (DCF),
Transitional Assistance (DTA), Youth Services (DYS), Social
Security, any communications on Commonwealth of
Massachusetts letterhead. '
Goobaha Xarumaha Soo-dhaweynta ee
Dugsiyada Dadweynaha Boston:
Dorchester Welcome Center
1216 Dorchester Avenue Dorchester, MA 02124
T: 617-635-8015
Roslindale Welcome Center
515 Hyde Park Avenue Roslindale, MA 02131
T: 617-635-8040
Roxbury Welcome Center
2300 Washington Street, Roxbury, MA 02119
T: 617-635-9010
Dhammaan Xarumaha Soo-dhaweyntu wey furan yihiin min
Isniinta illaa Jimcaha 8:30 AM – 5:00 PM, Arbacada 12 Duhur illaa
7:00 Fiid.
Si looga kaaftoomo safaf dhaadheer oo loo bixiyo adeegga u fiican, waalidka
waxaannu kula talineynaa in xarunta yimaaddaan wiigga ku aaddan xarafka koowaad
ee magaca dembe ee ilmahooda sida hoos ku qoran:
A-F
Oktoobar 5 – Oktoobar 9
G-L
Oktoobar 13 – Oktoobar 16
M-S
Oktoobar 19 – Oktoobar 23
T-Z
Oktoobar 26 – Oktoobar 30
Dhammaa Noofembar 2 – Noofembar 6
n
Fadlan fiiro gaar ah u yeelo rabitaannada iyo taariikhaha
kor lagu qoray iyada oo aanu haba-yaraatee xeerka
deggannaanshuhu laheyn wax cafis ah.
12
Qaaditaanka Imtixaanka Ku-celinta ah
Qaadashada Imtixaanka Ku-celinta
Imtixaanka Ku-celinta ISEE waxa la qaadi doona Sabtida, Noofembar
21, 2015 goobta Boston Latin School ee ku taalla 78 Avenue Louis
Pasteur, Boston, MA 02115.
Taariikhda Imtixaanka Ku-celinta waxa loogu talagaly ardayd
qaadan kari weyda imtixnka koowaad ee Sabtida la qaadayo sababo
ah xanuun xun, dhaawac, qalalaase qoys, ama xaalado aan caadi
ahayn. Qoysaska gafay xilliga diiwaangelinta ee Sibtambar, waxay
heli doonaan is-diiwaangelin goobta ah. (Fadlan tixraac shuruudaha
degganaanshaha iyo aqoonsiga ardyga).
Ardayda qaadata imtixaanka Noofembar 7 ma qadan doonaan
imtixaanka ku-celinta, xaalad kasta oo saameysa waxqabadka
ardayga.
Dugsiyada Dadweynaha Boston imtixaan ku celin mayso arday,
xaalad kastaaba ha haysatee, wixii ka dembeeya Noofembar 21,
2015
Fadlan wac xafiiska “Enrollment Planniing & Support” ee
lambarka 617-635-9512 haddii aad qabtid wax su’aal ah oo ku
saabsan imtixaanka ku-celinta.
Taariikh Imtixaan oo Kale
Qoysaska codsanaya dugsiyada gaarka ah iyo kuwa madaxa
banaan, ee dheeraadka ku ah dugsiyada imtixaanka ee Boston, waa
inay tixgeliyaan inay imtixaanka ku qaataan xarun imtixaan oo
qaran ee ISEE. Imtixaanka lagu qaado xarun qaran waxa kale oo ku
jiran qeybta qoraalka 'essay portion', kaas oo ay rabaan dugsiyo
badan oo gaar ah iyo madaxa bannaan inay qeyb ka ahaadaan
baroosaska codsiga (imtixaanka ay qaadaan dugsiyada BPS kuma
jirto qeybta qoraalku). Waalidka ayaa mas'uul ka ah inay ballanta
qabsadaan, oo ay lacagta bixiyaan, oo ay hubiyaan in ardayga la
imtixaamo ka hor maalinta Sabtida, Noofembar 21, 2015. Fadlan
xasuuso inaad doorato 'code'ka (Boston Exam Schools, school code
888888). Natiijooyinka imtixaanka waa in la helaa ka hor Jimcaha,
Diisembar 4, 2015.
Si aad u aragto liiska goobaha imtixaanka ee qaran ee ISEE, fadlan
soo booqo barta www.iseetest.org. Fadlan oggow in ardaygu u
farisan karo hal imtixaan muddo lix bilood ah. Haddaad dooratid
xarun imtixaan oo qaran, waalidka laga rabo inay is-qoraan
imtixaanka ISEE ee lagu qaadayo Dugsiyada Dadweynaha Boston
bisha Noofembar 7. Haddi la dooryo xarun imtixaan oo qaran,
waalidku uma baahna inay is-qoraan imtixaanka ISEE ee lagu
qaadi doono Noofembar 7 Dugsiyada Dadweynaha Boston.
13
Codsasho Warbixin Natiijo
Codsashada Warbixinta Natiijada
Ardayda qaadaneysa imtixaanka ISEE ee Dugsiyada
Dadweynaha Boston waxay haystaan doorashada innay warbixin
natiijo u diraan lix dugsi oo dheeraad ah oo xubno ka ah ERB.
A d e e g ga n wa xa l a ga q a a da ya a $ 1 0 5 o o f i i a h. Fa dl a n
t i xr a a c f o o mk a c o ds i ga e ek u ya a l l a b o g ga u
d e mb e e ya e e b u g - ya r a ha n. Si ot o ma a t i k a h b a a
n a t i i j oo yi nk a a ga l o o g u s h e eg i d o o na a D u g s i ya da
D a dw e yn a ha B os t o n.
Haddii aad codsaneysid dhawr dugsi, oo ay ku jiraan Dugsiyada
Imtixaanka ee Boston, ka fakir inaad qaadatid imtixaan qaran
(fiiri qeybta Taariikhda Imtixaanka ee Kale). Waxaad awoodi
doontaa inaad heshid koobbi natiijooyinka imtixaanka ilmahaaga
laba wig ka bacdi markay imtixaanka qaataan.
14
Imtixaanka ISEE
Imtixaanka ISEE
Imtixaanka “The Independent School Entrance Exam (ISEE)”
wuxuu ka kooban yahay afar imtixaan-hoosaad ooMagaalada
Boston ay u maamusho hay’adda “Educational Records Bureau”.
Imtixaanka Heerka Dhexe, waxa loo isticmaali doonaa ardayda
galeysa Fasalka 7. Imtixaanka Heerka Sare waxa loo isticmaali
doonaa ardayda galeysa Fasallada 9 iyo 10. Imtixaanku wuxuu ka
kooban qeybaha “verbal and quantitative reasoning” oo qiyaasa
awoodaada waxbarasho. Waxa kale oo uu ka kooban yahay
qeybaha akhriska iyo fahamka iyo xisaabta oo bixiya macluumaad
gaar ah oo ku saabsan wixii aad ku baratay maaddooyinka dugsiga.
Qeybta qoraalka “essay” kuma jirto imtixaanka ay qaadayaan
Dugsiyada Dadweynaha Bosston.
“ISEE MIDDLE and UPPER LEVELS”
‘Verbal Reasoning (Both Levels)’
‘synonyms’
‘sentence completion’
‘Quantitative Reasoning (Middle
Level) concepts/understanding
applications/higher order thinking
quantitative comparison’
‘Quantitative Reasoning (Upper
Level) arithmetic/algebra/geometry
concepts/understanding
applications/higher order thinking
quantitative comparison’
‘Reading Comprehension (Both Levels)’
‘humanities’
‘passages science
passages’
‘social studies passages’
Mathematics Achievement (Middle Level)
knowledge and skills
computation/comprehension
applications
‘Mathematics Achievement (Upper Level)’
‘arithmetic/algebra/geometr
y knowledge and skills
comprehension
Applications’
Imtixaanka oo dhan wuxuu qaataa qiyaas ahaan laba saacadood iyo
toban daqiiqo. Waqtigu wuu kala duwanaan karaa iyada oo uu ku
xiran yahay qoddobada sida waqtiga loo baahan yahay in lagu
akhriyo amarrada imtixaanka ‘directions’, iyo ka-jawaabidda
su’aalaha, iwm.
15
Isu-diyaarinta Imtixaanka
Isu-diyaarinta Imtixaanka
Hay’adda “Educational Records Bureau (ERB)” wuxuu fahamsan
yahay qiimaha iyo rabitaan ay waalidka iyo ardaydu u qabaan inay
“arkaan” noocyada su’aalaha la keeni doono heer kasta ee imtixaanka, iyo in la
caawiyo sidii caddaalad looga dhigi lahaa dhammaan qoysasku inay helaan
macluumaad isku mid ah oo ardayda u-diyaarinaya imtixaanka. Hay’adda ERB
waxay ku faraxsan tahay inay bixiso buug BILAASH ah oo loogu
diyaar-garoobayo heer kasta oo imtixaanka kaas oo laga soo rogon
karo “download” barta internetka www.iseetest.org. Buugaagta
diyaarinta waxa iyana lagu iibsan karaa buug ahaan midkiiba $20.
Buugaagta diyaarinta ee bilaashka ah ee la heli karo waxa ka mid ah:
‘What to Expect on the ISEE – Middle Level
(Applicants to Grades 7 & 8)’
‘What to Expect on the ISEE – Upper Level
(Applicants to Grades 9-12)’
Buug kastaa wuxuu ka kooban yahay macluumaad u gaar ah heer
kasta ee imtixaanka ISEE test iyo khibradda la xirrirta, su’aalo
tusaale ah, imtixaan tijaabo oo buuxa, iyo macluumaadka
saxidda imtixaanka. Fadlan faham in buugaagtani aanay ahayn
buugta lagu tababarto xeeladaha imtixaanka, oo aanay
ahaynwaddo gaaban oo loo maro natiijooyin sare. Hadafka
buugtani waa in qoysaska laga caawiyo inay fahmaan qaabka
imtixaan qaadashada, ammarada la bixiyo, iyo noocyada
su’aalaha, iyo xaanshida jawaabta ee la isticmaalo.
Iyadoo shirkado kale ay ku doodaan inay leeyihiin
buugaagta diyaarinta imtixaanka ISEE, waxaad oggaataa in
buugtani ay tahay kuwa qora ee ay sharciyeysay, oo ay
oggolaatay hay’adda ERB.
* Fadlan oggow haddii aad dooratid inaad dalbato buugaagta diyaarinta ee
$20 ah, inuu ku jiro kharashka boostada ee Mareykanka dhexdiisa. Buug
waxa lagu soo diri doonaa adeegga ‘U.S. Postal Service’ iyadoo la siticmaalago
adeegga ‘Priority Mail’. Fadlan u oggolow 5-7 maalmood oo shaqo in
laguugu keeno oo ad ku heshid buugga laga bilaabay marka la helo
dalabka buugga. Haddaad ku nooshahay meel ka baxsan Dalka
Mareykanka, fadlan wac 1-800-446-0320 ama 919-956-8524 w i x i i a h
q i i ma h a b o o s t a c a a la m i g g a a h i y o w a q t i g g a k e e n i d d a . W a x a a d
b u u g g a k a d a l b a n k a r t a a a d i g o o w a c a la mb a r k a 1-800-446-0320
ama 919-956-8524, ama internetka www.iseetest.org. Haddaad doorato inaad
buugga soo dejisatid ‘download’ isagoo bilaash ah oo aad adigu daabacatid,
oggow in dhererka buugga oo dhan uu yahay 140 bog.
16
Isu-diyaarinta Imtixaanka
U-diyaargarowga Imtixaanka ISEE
• Sida ugu fiican ee aad ugu diyaar-garoobi kartid imtixaanka
ISEE w a a i n a a d s i i w a d a t a a s h a q a d a a d a
waxbarasho ee adag.
• Isku dey inaad ka jawaabtid su’aal kasta, balse waqti badan ha
luminin hal su’aal ah. Waxa fiican inaad u gudubtid su’aasha
xigta. Su’aalaha aad ka tagtay dib baad ugu soo laaban kartaa
haddii waqtigu kuu saamaxo.
• Adiga laguma khasiri doono haddii aad jawaabaha u-maleyso,
laakiin ka fogow inaad sameyso malo xad dhaaf ah. Haddii aad
meesha ka saari kartid mid ama ka badan jawaabaha aan
macquulka ahayn, waxa kordhaya jaaniskaaga inaad sax
noqotid.
• Ha warwarin haddii aad imtixaanka dhammeystiri kari weydo.
• Ardayda laga fili mayo inuu jawaab kasta si sax ah uga jawaabo.
• Guud ahaan, natiijooyinka imtixaanka ISEE waxay muujiyaan
sida aad wax u baratay xilli muddo ah. Isu diyaarinta imtixaanka ee
daqiiqadda u dembeysa maaha mid faa’iido leh.
Imtixaanka ISEE waa imtixaan ‘multiple choice’ ah ee
maaddooyinka ‘English Language Arts’ iyo Xisaab. Imtixaanka
Heerka Dhexe, waxa loo isticmaali doonaa ardayda galeysa
Fasalka 7, oo imtixaanka Heerka Sare waxa loo isticmaali doonaa
ardayda galeysa Fasallada 9 iyo 10. Imtixaanka Noofembar 7
malaha qeybta “essay”.
‘Subtest’
Tirada Su’aalaha
Waqtiga
‘Verbal Reasoning’
40 Su’aalood
20 daqiiqo
‘Quantitative Reasoning’
37 Su’aalood
35 daqiiqo
‘Reading Comprehension’
36 Su’aalood
35 daqiiqo
‘Mathematics Achievement’ 47 Su’aalood
40 daqiiqo
17
Isu-diyaarinta Imtixaanka
Qaababka Maalinta Imtixaanka
Ardaydu waxay imanayaan xaruntii lagu meeleeyey iyagoo wata
dhammaan dhokumatigii laga rabay 8:30 Subaxnimo, Noofembar
7, 2015 inay is-xaadariyaan. Ardayda waxa la geyn doonaa qol
imtixaamid si ay u maraan baroosaska imtixaanka.
a. Maamulaha imtixaanka ayaa ardayda siin doona dhammaan
amarrada loo baahan yahay inay ku qaataan imtixaanka.
b. Qolka imtixaanka lama oggola in la keeno buugaag, ‘magazines’,
‘calculators’ iyo ‘calculator watches’, ‘timers’, ‘stop watches’,
iwm.
c. Ardaydu wey xiran karaan saacad caadi ah si ay ilaashadaan
waqtiga.
d. Waalidka looma oggola qolka imtixaanka iyo dhismaha goobta
imtixaanka.
e. Cunto, cuwaaf, iyo cabitaan lama oggola in la keeno qolka imtixaanka.
f. Imtixaan qaadayaashu waxay tirtiri karaan imtixaanka oo waxay qolka ka
saari karaan arday kasta oku xad gudba xeerarka anshaxa ee u
deggan imtixaanka oo ay ka mid yihiin balse aanay ku
koobneyn kuwan:
• bixinta iyo helidda caawimo imtixaanka ah
• abuurista khalkhal aan caadi ahayn
• isticmaalka qoraallo, ‘calculators’, ama kaalaeyaal kale
oo aan la oggolaanin
• si ula jeeddo ah uga shaqeeya qeybta khaldan ee
imtixaanka
• isku daya inuu imtixaanka u galo qof kale
• isticmaala talafoonka gacanta, ‘pagers’, ama ‘beepers’.
Haddii uu dhaco muran ku saabsan dabbecadda iyo dhaqanka
imtixaan qaate xilliga imtixaanka, hay’adda ERB waxay
oggoshahay inuu imtixaan qaatuhu keeno macluumaad dheeraad ah
si loo xalliyo arrinta haddii la karo. Hay’adda ERB wa xa y xa q
u l e e d a ha y i na y j o oj i s o ‘ cancel’ natiijada imtixaan qaate
haddii ay jirto sabab lagu su’aali karo saxnimada ‘validity’
natiijooyinkaas.
FIIRO GAARA: Imtixaanka ISEE waa mid xafidan ‘secure
test’.
18
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
Liiska ‘Code’ka Xarunta
Liiska hoos ku yaallaa waa lambarrada ‘code’ka ee gaabaha
Xarumaha Imtixaanka ee Boston ee lagu qaadi doono
imtixaanka ISEE maalinta Sabtida, Noofembar 7, 2015.
Isticmaal lambarrada ‘code’ka oo geli sanduuqa ku habboon ee
foomkaaga diiwaangelinta.
‘CODE’KA
W256
W257
W258
W259
W260
W261
W262
MAGACA IYO CINWAAN
Boston Latin School - Special
Accommodations, Boston
Boston Latin School, Boston
John D. O'Bryant School, Roxbury
Henderson Upper School, Dorchester
Excel High School, South Boston
English High School, Jamica Plain
Boston Comm. Leadership Academy, Hyde Park
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
Isticmaal mid kuwa soo socda si aad u buuxisid qeybta ku magacaaban
‘School Now Attending’ ee foomkaaga diiwaangelinta.
‘CODE’
1230
4661
1420
1195
1470
1020
1010
1040
1120
1050
1103
4272
1260
1064
1070
4178
2010
4381
1080
1162
1265
4160
4210
2440
DUGSIYADA DADWEYNAHA BOSTON
Another Course to College
BTU K-8 Pilot School
Boston Arts Academy
Boston Community Leadership Academy
Boston Green Academy
Boston Latin Academy
Boston Latin School
Brighton High School
Burke, Jeremiah E., High School
Charlestown High School
Comm. Academy of Health & Science
Curley K-8 School
Dearborn School
Dorchester Academy
East Boston High School
Edison K-8 School
Edwards Middle School
Eliot K-8 School
English High School
Excel High School
Fenway High School
Gardner Pilot Academy
Haley School
Henderson Upper School
19
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
4230
4053
4242
4610
4260
2140
4620
1440
4033
4055
4290
2360
4331
1210
1053
4323
1171
4171
2190
4360
1292
1293
1294
4671
4285
4400
1285
1030
4410
4680
4592
1450
4192
4130
1200
1460
2040
4570
4580
2450
4345
1253
4283
1256
4600
20
Hennigan School
Hernandez K-8 School
Higginson/Lewis K-8 School
Horace Mann School
Hurley K-8 School
Irving Middle School
Jackson-Mann K-8 School
Kennedy Health Careers
Kilmer K-8 School
King K-8 School
Lee K-8 School
Lilla G. Frederick School
Lyndon K-8 School
Madison Park High School
Margarita Muñiz Academy
Mario Umana Academy
Mary Lyon High School
Mary Lyon K-8 School
McCormack Middle School
McKay K-8 School
McKinley Middle School
McKinley Prep. High School
McKinley South End Academy
Mildred Avenue K-8 School
Mission Hill K-8 School
Murphy K-8 School
New Mission High School
O’Bryant, John D., School
Ohrenberger School
Orchard Gardens K-8 School
Perry K-8 School
Quincy Upper School
Roosevelt K-8 School
S. Greenwood K-8 School
Snowden International School
TechBoston Academy
Timilty Middle School
Tobin K-8 School
Trotter School
UP Academy Boston
UP Academy Dorchester
Urban Science Academy
Warren-Prescott K-8 School
West Roxbury Academy
Young Achievers K-8 School
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
‘CODE’
5600
8019
8548
8023
8660
8130
8013
5900
8020
8157
5500
5501
5520
5400
8140
8670
8146
8165
8027
8028
8284
5200
5470
8185
8520
8142
5530
8034
5452
5451
5450
8698
5490
5491
5492
8149
8037
8554
8281
8042
8556
8133
5431
5430
8880
8260
8049
8273
‘PRIV./PAROCHIAL/CHARTER SCH.’
Academy of the Pacific Rim
Advent School
Atrium School
BC High School
Beacon Academy
Beaver Country Day
Belmont Day School
Benjamin Banneker Charter School
Berea School
Boston Archdiocesan Choir School
Boston Collegiate Lower School
Boston Collegiate Middle School
Boston Prep Charter School
Boston Renaissance Charter School
Brimmer and May
British School
Buckingham, Browne and Nichols
Cambridge Friends School
Cathedral High School
Catholic Memorial School
Chestnut Hill School
Conservatory Lab Charter School
Davis Leadership Academy
Dedham Country Day School
Delphi Academy
Dexter School
Dorchester Collegiate Academy
East Boston Central Catholic School
Edward Brooke - East Boston
Edward Brooke - Mattapan
Edward Brooke - Roslindale
Epiphany School
Excel Academy - Charter HS
Excel Academy - East Boston
Excel Academy - Orient Heights
Fayerweather St. School, Cambridge
Holy Name School
Home Schooled
Jackson School, Newton
Kingsley Montessori School
Learning Project
Maimonides School
MATCH High School
MATCH Middle School
METCO Program
Milton Academy, Middle School
Mission Grammar School (OLPH)
Monsignor Haddad Middle School
21
Liiska ‘Code’ka Dugsiyada
8622
8286
8588
5700
8561
8614
8134
8287
8135
8110
8659
8089
8081
8064
8065
5905
8580
5302
5301
5300
5303
8060
8160
8261
8623
8071
8141
8257
8070
8299
8330
8076
8168
8083
8138
8258
8092
8094
8173
8290
8096
8262
8122
8187
8100
Mother Caroline Academy
Mt. Alvernia High School
Nativity Prep School
Neighborhood House Charter School
Neighborhood Schools
New Beginnings Academy
New England Hebrew Academy
Newton Country Day School
Park School
Parkside Christian Academy
Park Street School
Saint John Paul II, Columbia
Saint John Paul II, Lower Mills
Saint John Paul II, Mattapan Square
Saint John Paul II, Neponset
Prospect Hill Academy Charter School
Rashi School
Roxbury Prep - Charter HS
Roxbury Prep - Dorchester
Roxbury Prep - Lucy Stone
Roxbury Prep - Mission Hill
Sacred Heart, Roslindale
Shady Hill School
Shaloh Hebrew School
Solomon Schechter School
South Boston Catholic Academy
Southfield School
St. Agatha School, Milton
St. Brendan School
St. Catherine School, Norwood
St. Clements School
St. Columbkille School
St. John Evangelist, Canton
St. John School, Boston
St. Mary School, Brookline
St. Mary of the Hills, Milton
St. Patrick School, Roxbury
St. Peter Academy
St. Rose School, Chelsea
St. Sebastian Country Day School
St. Theresa School
Thacher Montessori
Thayer Academy
Ursuline Academy
Winsor School
Fadlan geli 8888 haddii aanu dugsigaagu ku jirin liistada.
Joogso FADLAN AKHRI "NOTE TO PARENTS" EE BOGGA 5.
22
Fadlan warbixinnada natiijooyinka u dira:
ISEE - Noofembar 7, 2015
2015-2016 Codsiga Warbixin Najiijo oo Dheeraad ah
Fadlan daabac dhammaan macluumaadka codsiga in natiijooyinkooga loo diro
dugsiyada aan ahayn Dugsiyada Dadweynaha Boston. HA DIRIN INTA KA
HORREYSA NOOFEMBAR 7, 2015.
‘Code’
Magac Dugsi
‘State’
1.
2.
3.
4.
Magaca Dembe
Magaca Hore
Dhexe
5.
Taariikh Dhalasho
Maalin
Nambar
Magaalo
Sannad
Lab
Dheddig
6.
FASAX IN LA SII DAAYO WARBIXINNADA NATIIJADA
Waxaan halkan ku fasaxay sii-deynta natiijooyinka ISEE scores dugsiyada kor ku
magacaaban.
Dar liq
Gobbol
‘Zip’
Saxeexa Waalidka ama Koriyaha
Talafoon: (Area code) Lambar
Lambarka diiwaangelinta Imtixaanka Boston
FIIRO GAARA: Natiijooyinkani keligood ma keeni doonaan uqalanka Dugsiyada
Imtixaanka ee Dugsiyada Dadweynaha Boston oo saxnimada ‘validity’
natiijooyinkan lagama yaabo inay xaqiijiyeen Dugsiyada Dadweynaha Boston.
Right Header
CinwaankaagaRasmiggaah
Bil
Lacagta fiiga ah oo warbixinnada natiijooyinka imtixaanka ISEE loogu dirayo
dugsiyo ka baxsan Magaalada Boston waa $105. Foomka oo buuxa iyo fiiga u dir
xafiiska ‘ISEE Operations Office’, 423 Morris Street, Durham, NC 27701. Jeegga ama
‘money order’ka ku qor in la siiyo hay’adda ERB. Ha soo dirin lacag kaash ah.
24